WARARKASaciid Deni Oo Hoteel Raaxo Ku Iibsaday 21 Milyan!

Saciid Deni Oo Hoteel Raaxo Ku Iibsaday 21 Milyan!

-

Waxaa baraha Bulshada lagu baahiyey muuqaalo iyo sawiro so xiganaya warbaahinta kuwaasi wax ka qoray sheekada Saciid Deni oo sida la sheegay Hoteel raaxo ka iibsaday Nayroobi.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Macluumaadka lagu baahiyey baraha bulshada ayaa tibaaxaya in Saciid Deni uu dhawaan hotel raaxo oo kuwa qaaliga ah uu ku iibsaday lacag aad u fara badan.

Sida ku cad xogta la baahiyey, Hoteelkan ayaa magaciisa lagu sheegay “Sarova Stanley”, waxa uuna ku yaalla aagga aay dagan yihiin dadka dabaqadda sare ee Nayroobi.

Sida aan ka soo xiganay ilaha xogtan faafiyey, Deni ayaa hoteelkan ku iibsaday lacag aad u fara badan oo qiimaheeda lagu sheegay 21 Milyan.

Sidoo Kale Aqri: Punland.Burbur Dhaqaale Iyo Mid Siyaasadeed!

Inkastoo Xaqiiqonews aysan xaqiijin karin sax ahaanshaha warkan, haddana sheekadan ayaa soo shaac baxeysa xilli Deni uu dhawaan ka dhawaajiyey in uu u sharaxan yahay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Puntland-ta uu hadda madaxweynaha ka yahay Deni ay ka jirta xaalad dhaqaalo xumo oo aad u daran, iyadoo oo lacagta shilinga ah aysan halkaasi ka shaqeyneynin.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...