Sacuudiga..Nin Qaatay Talaalka AstraZeneca Oo Geeriyooday

-

Dood xoog leh ayaa baraha bulshada ka kacday ka dib markii la soo sheegay wararka sheegaya dhimashada muwaadin sacuudiyaan ah kaasi oo qaatay talaalka AstraZeneca.


XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA

Buuqa ka kacay baraha bulshada ayaa sababay in wasaaradda caafimaadka sacuudiga ay soo saarto jawaab, bayaan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaana lagu yiri “wax sal iyo raad ah toona leh ma ahan wararka sheegaya qof u dhintay talaalka AstraZeneca”.

Wasaaradda ayaana been abuur ku sifeysay cod maqal ah oo lagu baahiyey baraha bulshada, kaasi oo muujinaya dhimashada qof talaalka qaatay.

Wasaaradda Sacuudiga ayaa tiri “dhammaan noocyada talaalka ee Sacuudiga adeegsado waa kuwo aamin ah”.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay dhawaan heshay cadad badan oo talaalka AstraZeneca., kaasi oo badqabkiisa ay shaki ka muujiyeen dalal badan.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka marwo Fowsiya oo noqotay qofkii ugu horeeyey ee talaalka qaata ayaa shacabka ugu baaqday in ay qaataan talaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale noqday dadkii qaatay talaalka, waxaa kale oo talaalka dadka lagu muday ka mid ah oday dhaqmeed Axmed Xadan Xaad.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...