Wararka ayaa sheegaya in bisha shawaal laga arkay goobo badan oo sacuudiga ka mid ah , Sacuudigana ayaa si rasmi uga dhawaaqday in Talaadada ay tahay maalinka koowaad ee Ciidda.
Xaqiiqonews
iyada oo la isticmaalaya “Telescope” ayaa waxaa la soo wariyey in bisha laga arkay goobo sacuudiga ka mid ah.
Goobaha laga arkay waxaa ka mid ah degaanada Tamir iyo Sadir oo sacuudiga ka tirsan.
Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa si rasmi ah uga dhawaaqday in birrito oo 4 Juun maalin Talaado ah ay tahay maalinka koowaada ee Ciidul Fidriga sanadkan 1440H.
Dhanka kale inkastoo dowladda Soomaaliya aysan soo saarin war rasmi ah, waxaa masaajiyada magaalada muqdisho qaarkood laga qaaday takbiirta Ciidda.