Sacuudiga Oo Dil Ku Fulisay Sadaam Xuseen!

Wasaaradda arimaha gudaha ee Riyadh ayaa soo saartay maalinkii isniinta xukun dil oo lagu fuliyey mid ka mid ah dadka si sharcidarrada sacuudiga ku geliya maandooriyaha Hayrawiin (Heroin)

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Wasaaradda ayaa horay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidanka amniga ay xireen nin lagu magacaabo “Sadaam Xuseen Maxmed Anar” oo dhalashadiisa ay tahay Bakistaan.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in baaritanadii la sameeyey ay caddeeyaan in lagu helay eedeynta ah in uu tahriibiyo kimikada
Hayrawiin (Heroin) waxa ayna ku xakuntay dil toogasho, taasi oo ay ku sheegeen in ay tahay tacsiir ku aadan dambiga lagu helay.

Ugu dambeyntii waxa ay xaqiijiyeen in dilka lagu fuliyey eedeysane Sadaam Xuseen , waxaana dilka uu ka dhacay goob ku dhaw Makka al-muramah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA