Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Muddo 30 sano oo Sacuudiga uusan ku laheyn Soomaaliya wax safaarad ka dib, safaaraddii Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa dib loo furay bartamaha sanadkan aynu ku jirno.

Safiirka Sacuudiga Eee Soomaaliya u qabilsanaa (balse ay joogin Soomaaliya) Maxamed Bin Cabdiqani Khayaad, ayaa ku shaqeynaayey dibadda Soomaaliya, inta aan dhawaan xilkaasi loo magacaabin ninka asalkiisa Soomaaliga yahay Axmed Maxamed.

Axmed Maxamed waxa uu ka mid yahay Soomaalida Sacuudiga ku dhalatay ee loo yaqaan “Mawaaliid” Sacuudiyaanka uma tixgeliyaan dadka noocaasi ah muwadiniin dhameystiran, qofkaas ayaana ku qasban in uu si joogto u bixiyo qarashka cusbooneysiinta warqadihiisa joogitaanka ah ee loo yaqaan “rusuumaat”

bishii Agoosto ee isla sanadkani dowladda Soomaaliya ay u magacawday danjiraha Soomaaliya u fadhin doono Sacuudiga danjire Saalim Macow Xaaji.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada