Sanad iyo Labo Bilood Farmaajo Wuxuu Lahaa “Wan Sameynayaa” Waxba Ma Sameynin

La Wadaag Asxaabtaada

Farmaajo ayaa indhaha bulshada soo galay 8 febraayo 2017, ka dib markii uu ku guuleystay Madaxwenaha Somalia-intii ay doontaba taageeradiisa ha la egaatee-waxa uu sameeyey balanqaadyo tirada ka batay, sidaa darteed warbixintan waxaan soo aruurinay qaar ka mid ah balanqaadyadiisii.

Waxaan U maqlaa sida canjal duuban oo aan ku soo ceshceshto farmaajo oo cod xamaasad ku dhahaya “waxaan Sameyn doonaa !”   Waxaan….. Waxaan…… Waxaan….. Waxaan….

Maqaalkani kooban ila aqri qaar ka mid ah balanqaadyadii Farmaajo,  kuwaasi oo  isku badalay Si ka duwan wixii uu noo balan qaaday.

Madxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu balan qaaday in aan la Xiri doonin Wadooyinka Muqdisho,waxaa uuna Qalad ku tilmaamay in Shacabka Ciriiri lagaliyo, laakiin dowladiisa ayaa noqotay tii ugu wadooyin xirka badneed-sida ay sheegeen shacabka rer muqdisho.

Farmaajo waxaa uu yiri “Wadooyin danbo oo la iska xirtaa ma dhici doonto, Alshabaab waan iska xureyneynaa, ka dib muqdisho si nabad galyo ah ayan ku joogeynaa, hadii sidaasi ay dhici weyso baabuur ayaan dabada ka galayaa…Qoriga ayaan qaadi doonaa”.

Farmaajo oo hadal ka dhiibinaya Dhacdadii Zoope ayaa yiri ” hadda wixii ka danbeeya waxaan madaxtooyada u rari doonaa Afgooye” balse hadalkaasi waxa ficil ah kama dambeyn.

Mid ka mid ah balanqaadyadii ugu waaweeynaa ee Farmaajo ayaa ahaa “Muddo lixdan maalmood ayaan u qabtay Alshabaab in ay isku dhiibaan, ka dibna bilo ayaan ku ciribtirio doonaa” arinkaasi oo aan waxba ka qabsoomin.

Madaxweyne Farmaajo oo iska leexinaya dhaliilaha uga imaanayey Balanqaadyadiisi guuldaraystay ayaa isku dayey inuu daboolo Safaradiisa xaddhaafka ah,waxaa uuna Dhowr Shir uu u diray Ra’iisulwasaare Kheyre si loogu Fahmo in uu awood dheeraad ah siiyey Wasiirka Koobaad ee Dowladdisa,dadkase la socda Siyaasadiisa kama qarsoona Safaradda uu u raacay Diyaaradaha Qaaska ah.

Dhaqdhaqaaqa kale ee uu sameeyey Farmaajo waxaa ka mid ah Socdaal uu ku tagay deegaanada Puntland iyo Galmudug, kaasi ujeedkiisu ahaa guud Salaax siyaasadeed oo uu uga goleeyahay in uu ku dhex milmo Hogaamiyaasha Maamul Goabeelyada,si meesha looga saaro Golaha Iskaashiga oo ay Midoobeen Madaxweynayaasha Maamulada.

Loolankii Doorashada Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in fargalin Shisheeye oo hortagan geedi socodka siyaasadeed iyo mid amni ay ka jirto Soomaaliya, Asagoo balanqaaday in wax ka qaban doono. Qodobkaas waa uu guuldaraystay oo Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobaleedyad waxa ay laka safteen Dowladdaha Carabta oo Khilaaf ka Dhexeeyo.

Saameynta Shisheeyaha intaas kuma Koobna oo kaliya 30-Dec 2017, waxaa la Weeraray guriga Gudoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Mar hadii Madaxweyne Farmaajo uu gabay in uu ka dhabeeyo balan qaadyadiisa uu Sameeyey, waxaa  Farmaajo la gudboon in uu ka dago Xilka Sida uu qabo Senetor Xussen Sheekh Maxamuud.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada