Sarkaal Dowladda ka tirsan oo ka carrooday Hadalo lagu qoray Tuwitterka oo lagu……

-

Taliyaha ciidamada Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed ayaa si kulul uga hadlay bar twitterka laga sameeyay oo magaciisa lagu furtay.
Qoraal uu soo saaray Taliyaha ciidanka ayaa lagu sheegay inay soo gaareen dad adeegsanaya magaciisa oo baraha bulshada ku faafinayaan warar been ah.
“Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa soo gaaray in dad adeegsanaya magacooda ay baraha bulshada ku faafinayaan warar been abuur ah oo aan waxba ka jirin” ayuu yiri taliyaha
“Barahaasi waxa ka mid ah akoonka twitterka ee cinwaankiisu yahay @ChiefOfDefence, halkaasi oo lagu daabaco warar badan oo been abuur ah oo ku xadgudbaya dawlado, mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kaleba Waxaan halkan ka caddaynayaa in wararka lagu baahiyey akoonkaasi ay yihiin been abuur, waxaana danta laga leeyahay ay tahay burburinta sharafta qaranka, tan ciidanka iyo iska horkeenka bulshada.” ayuu sii raaciyey taliyaha oo qoraalkiisa carro badan ka muuqatay
waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in Maxamed Aadan Axmed iyo taliskuba in aysan lahayn bar twitter iyo bar kale oo baraha ijtimaaciga ah xilligan, Markii barakahaasi rasmiga ah la unko waxaa lagu faafindoonaa warbaahinta qaranka.
Waxaan uga digayanaa dadka isticmaalaya barahaasi been abuurka ah in lagu daba joogo, raadkoodana la hayo, sharcigana lala tiigsan doono dhowaan.” ayuu ku soo gagbaeeyey qoraalkiisa

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...