Abdalla Abdalla oo horay uga tirsanaa sirdoonka NISA ayaa sheegay in Ikraan ay ku baxday gacanta nin uu ugu yeeray Abu-Cumar oo madax u ah sirdoonka NISA
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Qoraal uu boggiisa Facebook ku shaaciyey ayuu ku sheegay Abdalla Abdalla in Ikraan dilkeeda uu si gaar ah ugu dambeeyey nin uu ku sheegay abu-cumar .
Bishii Luulyo, Abdalla Abdalla ayaa shaaciyey in uu wada hadal u socday Al-shabaab iyo Fahad Yaasiin sii loo maran habaabiyo kiiska Ikraan Talillil-sida uu hadalka u dhigay.

Caro weyn ayaa ka dhalatay dilka Ikraan Tahliil oo la sheegay in loo dilay qaab fool xun oo qarsoodi ah gudaha Muqdisho.
Dhanka kale hooyo Qaali Maxamuud oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo la hadashay idaacadda kulmiye ayaa sheegtay in xiriir ay la sameysay Al-shabaab ay iska fogeeyaan dilka gabadheeda. waxa ayna farta ku fiiqday Fahad iyo kooxdiisa.