Sarkaal u shaqeynayay Imaaraatka ayaa ku dhawaaqay Arin halis ah, ka dib markii uu bedelay Bismilah. waxa uuna badalkeeda isticmaalay erayga “Waxaan Caabudayaa Ram” (Waa Cibaadada Hindu-ka )
Sarkaalkan ayaa arintan sameeyey, Ka dib xaflad Weyn oo lagu furaayey macbadka ugu wayn ee Hindu ee dalka Imaaraatka, taasoo keentay in tiro badan oo ah dhaqdhaqaaqayaal u dhaqaaqa diinta Islaamka ay ku eedyaan mas,uulkan “Riddo”.
Sheikh Sultan Saud Al Qassimi, oo ah wakiilka dawladda Abu Dhabi, ayaa bilaabay in uu hadalkiisa ku furo macbudka ugu weyn ee Hindu ee dalka, isagoo yiri “Waxaan caabudaa Ram” halkii uu dhihi lahaa Bismailah, . Ereyga uu isticmaalay al-Qasimi waxa uu dhaliyey dood ka dhalatay shabakadaha bulshada, iyadoo Wargeyska “Imarat AL yowm” uu arinkaasi ku tilmaamay diin ka bax ” riddo”.
Qaar ka mid ah dadka dhaqdhaqaaqa ku leh Twitter-ka ayaa bilaabay Dhaleeceyn ka dhan ah ereyga ‘waxaa caabudaa Ram’ sidoo kale dadkani ayaa ka careysnaa in Macbad Hindusan ah Laga dhiso Imaaraatka.
Nin magaciisa la baxay “Cabdulaahi AlDhawiil” ayaa soo qoray “”Oh, Umad jaahilnimadeeda ay ku qoslayaan Umadaha kale, Markii la furay macbudka Hindu, Sheekh Suldan waxa uu bilaabay khudbaddiisa Hindus-ka isagoo leh ” waxaan caabudi doona Ram,” halkii uu ku bilaabi lahaa hadalkiisa magaca Ilaah!”
“Ka dib dhismaha Macbadka Hindus-ka ee Imaaraadka Carabta,waxey badali doontaa khudbaddii hore ee hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha UAE,” ayuu yiri qof kale, oo magaciisa ku sheegy Karem, “Waxay ku bilaabi doonaan “waxaan Caabadaa Ram,halkii Bismilah aheyd” ayuu sii daba dhigay.
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa u qoondeysay 20,000 oo mitir murabac oo dhul ah oo ku yaala Abu Dhabi si ay u dhisto macbadyadii hadda jiray si ay u daboosho rabitaanka kumanaan Hindus ah oo ku nool waddanka, kuwaas oo u safra 100 kiiloomitir oo uu ku yaalla macbadka ugu dhow magaalada Dubai.