Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo heyb ahaan ka soo jeeda maamulka Somaliland,ayaa maanta ka hadlayay madasha shirka dib u heshiisiinta waxa lagu tilmaamay Beelaha dega magaalada Marka oo Muqdisho lagu qabtay.
wuxuu sheegay Cabdi Xaashi C/llaahi iney farxad u tahay inuu ka soo qeyb galo shirkaasi.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Cabdi Xaashi iney ka xun yihiin in maanta iyo ka horba, warshadihii ku yaalay Gobolkaasi ay baabi’een,islamarkaana lagu kor dagaalamay.
Ugu Dambeyntii Cabdi Xaashi C/llaahi Ayaa Fariin u diray beelaha ku dagaalamay Marka wuxuun ku hanjabay In dowladda ay soo fara gelin doonto hadii xabadda joogsan weyso.