Sawir Dad badan Shook Geliyey…Sawirka Calankii Ugu Horeeyey Ee Soomaaliya

La Wadaag Asxaabtaada

Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Ka hor inta aan la isku raacin calanka buluuga ah, soomaalida waxa ay muddo qarniyo isticmaali jireen sumado kala duwan waxaana ka mid ah calaamadahaasi kuwa soo socda.

Calanka boqortooyadii Zaylac

Calanka boqortooyadii Ajuuraan.

Calankii hore ee Soomaaliya

Sida uu sheegay Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka.

Cali Xasan Waxa uu yiri ” Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah.”

Sidoo kale Aqriso: soomaaliya-noocee-ah-ayaad-ku-noolaan-laheyd?

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada