Sawir..Drones-ka Turkiga Ee TB2 Oo Ay Hagayaan Saraakiil Soomali ah

La Wadaag Asxaabtaada

Turkiga ayaa tababaraya noocyada kala duwan ee ciidanka Soomaaliya, waxaana tababarka qeyb ka ah ciidanka cirka oo xirfadaha ay baranayaan ay ka mid tahay hagista diyaaradaha drones-ka ah.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Sawirkan cusub oo ilo Turkiga xiriir la leh ay baraha bulshada ku baahiyeen ayaa waxa lagu arkayaa dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo ku tababaranaya diyaaradda drone-ta ah ee TB-12.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay ilahan Turkiga xiriirka la leh, gudaha Turkiga waxaa ku sugan saraakiil Soomaali ah kuwaasi loo tababaraayo wadista iyo hagista noocyada kala duwan ee diyaaradaha.

Sidoo kale Aqri: Iska Baro..Drone-ta Akinci ee Dhawaan Turkiga Sameeyey

War kale oo xiriir la leh : Dhawaan Turkiga waxa uu soo gabagabeeyey dhismaha xero milatari oo ka mid noqoneysa mid ka mid ah xeryaha ugu weyn Afrika. Xeradaasi oo Df-ka lagu wareejiyey ayaa sida la sheegay waxa ay hoy u noqoneysaa 18 kun oo askari oo ah kuwa Turkiga lagu soo tababaray.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada