Sawir..Gorgor Oo Iskaga Cararay Gaadiid Dagaal Iyo Ahlu Sunna Oo La Wareegtay

La Wadaag Asxaabtaada

Ciidamo ka tirsan wadaadada “Ahlu sunna” ayaa guulo ka sheegtay dagaal 48 saacii ugu dambeeyey ka socday deegaano ka tirsan galmudug.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Deegaanka “Bohol” oo ah goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa gacan ku heyntiisa la wareegay ciidamada Ahlu Sunna, ka dib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya ay dib ugu laabteen Dhuusamareeb.

Sarkaal u hadlay Ahlu sunna ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamada gorgor ka carareen baabuur dagaal iyo kuwa xamuulka ee askarta, gaadiidkaasi oo dhawaan Turkigu uu ugu deeqay DF-ka.

Sidoo Kale Aqri: Faafaahin..Axmed Shaakir Oo Isku Qarxiyey Bacaadweyn!

Qaar ka mid ah gaadiidka gorgor looga qabsaday dagaalkii Bohol

War Kale oo arintaasi la xariira: Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Ahlu Sunna ayaa la wareegay gacan ku heynta Guriceel ka dib markii ay halkaasi ay iskaga baxeen ciidankii Galmudug.

Dad fara badan ayaa iskugu soo baxay wadooyinka magaalada iyadoo la arkaayey xadrooyin iyo xalqada digri ah oo magaalada camiray ka dib isbadalka maamul ee magaalada ka dhacay.

Dad farabadan oo iskugu soo baxay ka dib markii Ahlu Sunna Guriceel la wareegtay

Ahlu Sunna Wal jamaaca waa urur diimeed suufi ah ururkaasi oo uu hogaamiya wadaadka lagu magacaabo “Shiikh Shaakir” ururkan ayaa maamuli jiray deegaano iyo magaalooyin ka tirsan Galmudug, waxaana lagu xasuustaa dagaaladii ay kaga soo horjeedeen urur diimeedka salafiga ah ee xarakada Al-shabaab.

Soo laabashada Ahlu sunna ayaa imaaneysa xilli xasaasi ah gaar ahaan waqti DF-ka iyo maamulka Galmudug ay wajahayaan mucaaradad adag oo kaga imaaneysa shacabka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada