Sawir Run Ah..Murqaha Maxamed Salaax Ooo Dood Dhaliyey!

-

Intii lagu guda jiray ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska taasi oo shalay dhax martay kooxaha Liferbuul iyo Kiristal Baalas, Maxamed Salaax ayaa soo jiitay indhaha daawadayaasha ka dib markii uu dhaliyey gool kooxdiisa ka caawisay in ay ku guuleysto goolal sadaxleey ah, waxaase dhacday arin kale oo dadka ka yaabisay.


XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA

Dabaaldagii goosha, markii uu fanaanada iska siibay waxa ay kaamirada qabatay murqo u ek baalasha shimbaraha oo lagu arkay dhinacyada laacibka, muuqaalkaasi oo aan loogu baran in lagu arko laacibiinta kubadda cagta.

Inkastoo dadka qaar ay ka shakiyeen run ahaanshaha sawirka, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey in sawirka sax yahay waxaana sawirka qaaday Bowl Elis oo ka tirsan sawirqaadayaasha wakaaladda AFP, iyadoo sawirka lagu qaaday garoonka kubadda cagta ee Anfil.

Sawirka ayaa hadal heyn badan ka dhax abuuray baraha bulshada , dadka qaar ayaana Salaax ku aamanay horumarka uu ka sameeyey jir dhiskiisa.

Faallooyinka qaar ee laga dhiibtay sawirka ayaa ah kuwa kaftan leh qof ayaa soo qoray “waxaan muruq lama dhihi karo, qof ayaa gadaal ka habsiinaya” mid kale ayaa yiri muruqan waxa uu u ekyahay giilka kalluunka, gabar ayaa tiri “waa gacmaha tababare Yoorgan Kalaab”.

Murqaha sawirka lagu arkay waxaa cilmi ahaan loo yaqaanaa “Serratus anterior muscle” waxa uuna lafaha garabka ku xiraa feerta sideedaad ee sare.

Muruqan ayaa ciyaaryahanada dhaxdooda looga yaqaanaa “muruqa feeryahanka ” sababtoo ah muruqan waa kan mas’uulka ka ah in garabka uu fido marka qofka uu feertamaayo.

Waxaase wili taagan su’aal ah: muruqan ma waxa uu ka dhigan yahay isku day lagu doonaayo in lagu xoojiyo garabka Maxamed Salaax si uusan u dhicin mid la mid ah dhaawicii uu sababay daafacii Riyal Madriid Seerjiyo Raamoos ciyaartii Finalka Horyaalka Yurub sanadkii 2018.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...