SAWIR: Sawir Gilgilay dareenka kumanaan dad ah(Muxuu sameynaa Qofka sawiran)

-

Muuqaal uu qaaday sawir-qaade ka mid ahaa saxafiyiinta joogay xajkii sanadkan ayaa qabsaday baraha bulshada, kaasoo muujinaya haweeney ka mid ahayd dadkii xajinayay oo saygeeda hoos u noqotay xilli uu tukunayay.

Waxay ahayd maalintii 9aad ee Xajka MAALINTA CARAFA la taagnaa, marka uma maleyn sawirqaade Raa’id Allaxyaani in sawirkan uu qaaday uu noqon doono mid caan baxa oo dunida oo dhan ay hadal heyso.

Sawirkan wuxuu noqday mid caan baxay oo Milyan jeer dunida la is weydaarsaday, gabayo badan laga soo tiriyay, isla markaana dad badan qalbiyadooda gilgilay oo raxmad jaceyl iyo naxariis geliyay.

Sawirqaadaha ayaa sheegay in in maalintii Carafa si lama filaan ah isagoo ku sugan Xaramka uu arkay haweeney taagan oo saygeeda hoos uga noqoneysa qoraxda kulul, isaguna uu tukanayo, marka hore ee sawirka aad aragto waxaa moodeysaa inay taagan tahay oo ay sugeyso, laakiin, markii loo fiirsaday salaadii ninka ee rukuuca iyo sujuudka wuxuu arkayaa in haweeneyda ay hooskeeda la raacraacday dhinac kastoo uu u dhaqaaqo intii uu salaada ku jiray, xaalad kastana ay hoos siineysay.
Sawir-qaadaha oo meel sare arrintan kala socday, markaasina uu xaqiiqsaday in xaaladdan ay tahay mid cajiib ah oo mudan in xusuus laga reebo, iyadoo ay taabatay qalbigiisa in xaalad caadi ah aanay ahayn, laakiin aanu fileyn inay xaaladu gaari doonto malaayiin qof inay isu diraan.

Ninka sawirkan laga qaaday oo cabsi laga qabay ayaa isna ka mahad celiyay sawirka laga qaaday isagoo sheegay haddii aanu muujineynin raxmad iyo kalsooni ka dhaxeysa labada ruux is qaba inaysan xaaladdaas gaarteen.

Allaxyaani oo shahaado jaamacadeed ka heysto cilmiga bulshada ayaa sheegay in uu aad u jeclaa sawir qaadista tan iyo markii uu jiray 13 sano isagoo dhowr mar helay abaa; marin la xariira sawir qaadistiisa waxaa uuna sanadkan ka mid ahaa wariyaasha sawir qaadayaasha xajka

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...