Xiisad culus ayaa ka dhalatay ka dib markii ciidamo ka tirsan NISA la qabqabtay kuwaasi oo doonaayey sida la sheegay in ay khaarijiyaan gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee baarlamaanka ninka lagu magacaabo Dhabana cad.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Ciidanka NISA ee la qabqabtay ayaa timid ka dib markii ay weerar ku qaadeen hotel lagu dhaarinaayey xubanihii barlamaanka ee lagu soo doortay Ceel-waaq Gedo.
Kooxda NISA ee la qabtay ayaa goobta u yimid in ay carqaladeeyaan howsha dhaarinta, hase ahaate ciidamo ilaalo u ahaa gudoomiye Dhabane cad iyo ilaalada Saciid Deni oo halkaasi joogay ayaa ku guuleystay in hub ka dhigis ku sameeyaan ciidanka la soo diray.
Xaqiiqonews ayaa heshay sawir lagu baahiyey baraha bulshada oo ah taliyihii garoonka Adan Cadde kaasi oo ay jirdil u geysteen ciidanka qabtay, wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka jabay qaar ka mid ah lafaha feeraha.

Xaalad kacsanaan ah ayaa la dareemaya ka dib markii falal rabashado ah ay hareeyeen aagga lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka gudmmiyaasha aqalka sare iyo aqalka hoose oo sida qorshahu yahay la qaban doono inta u dhaxeysa 26-ka ilaa 27-ka bishan aynu ku jirno