Sawir…Ugu Dambeyn Jeesow Oo Difaac Uga Soo Baxay Farmaajo iyo Fahad

-


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: Xildhibaan Daahir Amin Jeesow ayaa qaatay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimada oo ay guddoon siiyeen Guddiga FEIT.

DHAMMAADKIISA: Intiina wararka la socda waxaad ogtihiin in guddiga FEIT ay soo saareen liiska dhammaan xildhibaanada sharciga ah ee u qalmay in la guddoonsiiyo shaahadada xildhibaanimmo.

Hase ahaate liiska guddiga waxaa ka maqnaa kursiga Fahad Yaasiin oo sida ay la isla dhax maraayo loo heysto dambiyo ka mamnuucaya in uu qaato xasaanadda xildhibaanimo, waana arinta keentay in taageerayaasha Fahad ay khilaafaan guddiga FEIT.

Guddiga ayaana bilaabay gelinkii hore ee sabtida 02-da April bixinta shahaadooyinka xildhibaanimo waxaana dadka la guddoonsiiyey ka mid ah Xil. Daahir Amiin Jeesoow.

Sawirka Jeesow oo shahaadada guddiga FEIT qaadanaya oo la soo dhigay baraha bulshada ayey dadku ku fasireen isbadal siyaasadeed oo uu sameeyey Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow oo qaadanaya shahaadada guddiga hergelinta doorashada ee FEIT

18-kii Maarso, Jeesow oo hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweynaayey doorashada xildhibaan beyna beyna islmarkaana ay ka soo qeyb raggii ugu cad cada mucaaradka ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya la is kaashan doona.

Marka la isku duubo dhaqdhaqqyadii ugu dambeeyey Ee Jeesow waxa ay u muuqataa in kooxda N&N ay lumiyeen mid ka mid ah tiirarki ugu adkaa ee difaaci jiray nidaamka Farmaajo.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...