SAWIRR: Meydadka Askartii Puntlnad looga Laayey Af-urur iyo Dhimashada oo gaartay in ka…..

-

Waxaa la soo bandhigay sawirada Meydadka ciidamadii Puntland looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Af-urur ee ku yaalla buuraha Galgala ee gobolka bari kaasoo qiyaastii 80-km u jira magaalada dekeda ah ee Boosaaso.

Dagaalkan oo yimid kadib markii boqolaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku soo qaadeen waaberigii shalay ciidamo ka tirsan Puntland oo fariisin ku lahaa degaankaas, halkaasoo labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal gacmaha la iskula tagay oo qaatay saacado badan.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay u suura gashey inay gudaha u galaan tuulada oo ay qabsadaan, waxaana ay ku dileen dad faro badan, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed uu wakaalada wararka Reuters u xaqiijiyey in Al-Shabaab ay qabsadeen Af-urur.

Meydadka ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaas lagu dilay, iyadoo shabaabku ay gowraceen labaatan ka mid ah askarta Puntland oo ay nolol ku qabteen, waxaana sidoo kale dagaalka looga qabsaday ciidanka Puntland hub iyo gaadiid kuwa dagaalka ah.



Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...