SAWIRRO: Alshabaab oo markii ugu horreysay Diyaarad Drone Gacantooda ku duuliyey#Faafaahin

Xarakada alshaab ayaa soo bandhigay Diyaarad drone ah taasi oo ah nooca diyaaradaha loo yaqaan “quadcopters(afar mirwaxadleyda” .

diyaarada yar ee Alshabaab ay saakay ku so bandhigeen fagaaraha Macalin ceyrow ee ku yaala degmada jilib ayaa ah nooca Quadcopter-ka ah oo lagu soo sameyeey shiinaha waxa ayna sidataa Camera yar taasi oo xarakada u sahli doonta in ay si dhib yar u duubtaan deegaano aan gacantooda ku jirin.

Maxaa laga filan karaa alshabaab hadii ay Diyaarad drone ah heleen.

waxaa dhici karta in alshabab diyaaradan yar ay u isticmaalaan in ay ku duubtaan muuqaalo si isdaaraatka kooxdu ay helaan duubis xagga cirka ah oo heersare ah sidoo kale waxaa dhici karta in kooxdu diyaaradaha u isticmaalaan in ay qaraxyo ku soo xiraan islamrkaan ay dhex qarxiyaan goobaha dowladda gacanta ku heyso sida ay horeyba u sameysay kooxda dowladda islaamiga ISIS oo iyaga sameystay diyaarado drone ah.

sidoo kale waxaa dhici karta in kooxdu diyaarineyso mashaariic ay ku dhisayaan diyaarado ay iyga sameeyaan madaama diyaaradaha yar ee loo yaqaan”Quadcopter-ka” ay yihiin kuwo fudud oo guryaha lagu sameyn karo(Home mmade quadcopters) si ay arintaasi u suurtagashana waxaa laga yaabaa in kooxdu soo iibsadeen diyaarado si ay shaxda ugu qaataan.

saameeynta askarta dowladda iyo Qorshaha horyaalla.

in ay alshabaab ay helaan diyaarado drone ah si kastaba ha ku timaatee nooca kastana ha ahaate waxa ay cabsi ku beereysaa askarta dowladda soomaaliya oo iyaga dagaal kula jira Alshabaab inkastoo askarta dowladda naftooda ay heystaan diyaarado drone ah oo mareekanka horay ugu deeqay kuwaasi oo laga yaabo in ay ka tayo fiicanyihiin diyaaradaha gacansiga loo sameeyey ee shiinaha.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA