SAWIRRO: ciidamada dowladda muqdisho oo waddooyinka xiray iyagoo ku dhawaaqaayey”ha dhaco farmaajo”

La Wadaag Asxaabtaada

Magaalada Muqdisho waxaa maanta qalqal galiyay ciidamo ka tirsan Militariga dowlada Somaaliya kuwaaso xirtay waddooyinka waa weyn ee ugu muhiimsan Muqdisho.

Ciidamadaan oo tiradda gaareysay 2500 oo askari oo aad u hubeysnaa ayaa xiray Ganacsigii ka furnaa Isgooyska Buula Xuubeey ilaa KM4 iyagoo rasaas cirka u ridayay isla markaana ku dhawaaqayay HA DHACO FARMAAJO.

Ciidamadaan ayaa sheegay inaysan wax Mishaar ah helin intii uu kursiga kusoo fadhiistay Farmaajo waxayna ku tilmaameen Farmaajo nin BEENTIISA ay aad u badan tahay isla markaana OLOLE ku galay xiligii Doorashada inuu Mishaarkooda siin doono ciidamada dowlada Soomaaliya balse aysan taasi daacad ka aheyn oo uu lamid noqday Madaxdii ka horeysay.

Ciidamadaan ayaa ku goodiyeen inay Madaxtooyadda maalin cad ka eryi doonaan Farmaajo oo ay Inqilaab dalka ku qabsan doonaan hadii uusan baaqooda horudhaca ah kasoo jawaabin oo uusan siinin Mishaarkooda ka maqan.
Madaxweyne Farmaajo oo durbadiisa la gaarsiiyay Gadoodka ay ciidamadaan sameeyeen ayaa durba la xiriiray Sarakiisha ciidamadaan hogaamiya isagoo ka codsaday inay ciidamadooda la hadlaan oo Gadoodka joojiyaan isagana laga war sugo ilaa muddo balse Saraakiisha ayaa arrintaasi iska diiday oo Madaxweynaha u sheegay inuu dhowr jeer oo hore oo ay la xiriireen sidaasi oo kale ugu balan-qaaday balse uusan fulin balantii uu la galay.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa xiligii ololaha ku ololeeyay inuu Mishaarkodoa bil walba siin doono ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ah kuwa ilaaliya amaanka saraakiisha dowladda

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada