Deegaanka Galhareeri oo ka tirsan gobolka galgaduud neef ari ah ayaa dhalay ilmo ka badalan kuwa caadiga ah.
XAQIIQO NEWS- WARARA GUDAHA
Dhacdada oo sida wararku sheegayaan hadal heyn badan dhalisay ayaa timid ka dib markii neef ari ah uu dhalay ilmo dhicis ah.
Dhiciska rida ay dhashay waxa uu ka duwanaa ilmaha caadiga ah, waxa ayna dadka deegaaanka ah la yaabeen jirka dhashay oo u egaa wax leh suurad bani’aadam.
Madaama ay meesha ka maqantahay xirfadleyda caafimaad ee Xoolaha, xoolaleyda miyiga ku nool ayaa si caadi ah iskaga isticmaala daawooyinka kimikada kuwaasi oo laga yaabo in ay saameyn xun ku reebaan xoolaha iyo uur ku jirtoodaba.


