Guurka waa raabid wanaagsan oo isku xera bulshooyinka rag iyo dumar si loo helo qoys ku noolaada baraaro iyo wanaag.
Hase ahaatee xaaladaha qaarkood guurka ayaa ka baxa qaababkii lagu ogaa oo waxaad argeysaa guur dumar ay guursanayaan xaywaan ama ma noole ama dhanka kale rag guursanaya sawir iwm.
Hadaba shabakadda baahisa wararka xaqiiqonews waxa ay soo gudbineysaa 5-ta guur ee ugu cajiibsanaa ee taariikhda la diwaan geliyo
1.Nin guursaday saaxibtiis oo meyd ah
Shady Devi oo u dhashay Thailand ayaa guursaday saaxibtiis oo la dilay meydkeeda ka dib markii uu dareemay in uu danbi ka galay markii uu diiday dalab guur oo ay horay ugu soo bandhigtay
2.nin guursaday shakhsiyad khiyaali ah
Wiil u dhashay dalka jabaan ayaa jeclaaday gabar ku jirta Games-ka taleefonka oo lagu magacaabo “Nina anagasaki” isagoo arooskeeda u dhigay xaflad uu ku casuumay saaxibadiisa si uu u iclaamiyo in uu guursday gabadha laga dhax argi karo oo kaliya kombuyuutarada iyo taleefonada.
3.Haweeney labo nin hal mar wada guursatay
Gabar lagu magacaabo Maria Botasaki ayaa ku wareertay in ay kala doorato ninkeed Pol iyo saaxibkeeda cusub ee petter iyadoo ugu danbeyn go,aansatay in labadooda ay wada kulmiso waxa ayna saaxibkeed ka dalbatay in uu aqablo in iyado iyo ninkeed uu kula noolaada gurikooda oo ku yaalla magaalada Barking city ee ingirriiska.
4.Lamaane aroos ah oo dhiigga iska cabo.
Labadan lamaane oo iska bartay kuna saaxibay internet-ka ayaa ugu danbeyn is guursaday balse arinta cajiibka ayaa waxa ay tahay in labadooda mar walbo qofba kan kale uu dhiigga ka miirto oo uu cabo iyagoo arintaasi ku micneeyey jaceyl.
Aro Driven iyo Lea Pinangovak ayaa tan iyo sanadkii hore waxa ay wadaan jaceyl dhiig miirasho ah.
5.Haweeyney guursatay derbiga burji Efil
Haweeneydani lagu magacaabo Erika ayaa guursatay ka dib markii ay sheegtay in jaceyl u qaatay derbiga burjiga Efil waxaana islaantani markii danbe ay ku can baxday magaca ah Erika Efil iyado sidoo akle jiifan jirtay habeenkii derbiga hoostiisa
SAWIRRO: Shanta Guur ee Aduunka Ugu Cajiibsanaa Dumar Guursaday Ma noole iyo Rag Guu….
-