SAWIRRO: Wasiir katirsan Xukumadda Kheyre oo Nafsadiisa halis geliyay kadib markii uu Raashin u qebiyay dad ku….

-

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdullaahi Maxamuud iyo xubno kale ayaa maanta kormeer howleed waxa ay ku tegeen deegaanno ay ka midyihiin Jameeco Misri, Kulmis yareey, Maqdis iyo Xawaadleey oo 7km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wafdiga ayaa markii ay halkaasi gaareen waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinn kale, waxaana ay wafdiga u kuurgalayeen xaaladaha ay ku suganyihiin shacabka ku nool tuulooyinka ay socdaalka ku tegeen, iyagoo halkaasi gaarsiiyey deeq raashin ah oo Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ugu talagalay bulshada deegaannadasi ku nool.
Qoysaska ku nool deegaannada ay maanta kormeerka ku tegeen Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha ee uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa ahaa kuwa ay saameyeen abaarta ka jirta Gobollada Dalka iyo dagaal beeleedyo, waxaana shacabka deegaannadaasi ay ka mahadceliyeen kaalmada la soo gaarsiiyay.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada la soo gaarsiiyay qoysaska ku dhibaateysan tuulooyinka ay maanta wafdiga kormeerka ku tegeen, isagoo xusay in kan maamul ahaan ay ku guuleysteen xalinta beelaha ku dagaalamay deegaannada gobolka Shabeelaha Dhexe.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka ay tahay u kuurgelidda xaaladaha qoysaska ku nool deegaanada hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa tilmaamay in door muuqda ay Wasaaraddu ka qaadan doonto sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa walaaha halkaasi ku dagaalamay, isla markaana aysan markale dib u soo laaban colaad.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa qoysaska ay abaartu saameysay, ayna ka go’antahay inay ka warqabaabn shacabka dhibaateysan.
“Raashinkan aan idin keenay waxaa ii soo wakiishay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha, waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu saameysay, marka waxaa naga go’an inaan sii joogteyno, waxaana idinka rabnaa in aad ka faa’iideysataan Raxmadda Alle nasiiyay” ayuu yiri Cabdullaahi Faarax Wehliye.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in gobollada dalka uu ku soo mari doono socdaal uu ku ogaanayo xaaladaha ay ku noolyihiin bulshada Soomaaliyeed.



Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...