SAWIRRO: Wasiir Siraaji oo lagu Aasay Magaalada Muqdisho

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay aaskii qaran ee loo sameeyay Allaha u naxariistee marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska oo xalay la dilay.

Salaadii Janaasada ayaa lagula dukaday masjid ku dhaxyaalo madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Tukashada Salaada Janaasada ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibbadiisa, iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuumka oo lagu aasay qabuuraha isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada