SAWIRRO:Alshabab oo markii ugu horreysay mashruuc indha fiiqis lacag la,aan ah ka sameeyey gobolka……..

War-baahintaku hadasha afka alshabab ee Al-furqaan ayaa soo saaray barnaamij muuqaal ah oo ay ka diyaarisay mashruuc caafimaad oo ay gobolada alshabab maamulaan ka fulisay hey’adda samafalka ee Al-ixsaan.

Mashruucan oo ah daweynta xanuunada indhaha ayaa waxaa ka faa’iideystay dad fara badan oo isugu jira caruur, dhallinyaro iyo waayeel, waxaana sida muuqaalka laga dheehanayo dadka loo sameeyay, baaris casri ah, qalliino iyo daweyn intaba.

Ma jirto wax lacago ah oo laga qaaday dadkan, maadaama ay hey’addu tahay mid u taagan u adeegidda bulshadeeda, ayey tiri warhaabintu iyagoo sheegay in arintani ka duwan tahay kaalmada ay sameeyeen hey’adaha shisheeye oo ay mahaariicdoodu ku qotomaan dano gaar ahaaneed sida ay hadalka ahaaneed.





[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA