SAWIRRO:Labo walaalo ah oo Is Waayey 15 sano oo Ku kulmay Xajka#DHacdo Oohin Badan

-

Ka dib markii muddo 15 sano ah ay is waayeen labada walaal ee lagu kala magcaabo “samiir” iyo “bushraa” ayaa waxaa maalintii shalay aheyd ay si kadis ah iskugu argeen xajka.

Samiir oo ahaa wiil falastiini ah ayaa ka tagay qosyskiisa iyo dhamaan walalihiis ka dib markii jirdil badan ay u geysteen ciidanka Gumeysiga Yahuuddda isagoo xiligaasi wixii ka danbeeyey u hajiray noolshiisana ku qaatay Wadanka Australia halka Bushrana oo ay aheyd samiir walaashiisa ay iyadana indhaheed saarin walalkeed muddo ku siman 15 sano ah balse shalay malinta Carafa oo ah maalinta koowaad ee maalmaha Ciiddul adxaa ee barakeysan ayaa ah xasuus aan qalbiyadooda ka go’i doonin Samiir iyo Bushraa inta ay noolyihiin.

Qaabkii ay isku argeen iyo Kulankii Oohinta badnaa

Bushraa xaajiyadda reer falstiin oo ka mid ah aheyd dadkii eheladooda ku shahiideen falastiin ee lagu marti qaaday kulanka barnaamijka loogu magac daray
(برنامج خادم الحرمين الشريفين الملك سلمان بن عبد العزيز للحج والعمرة) ayaa waxa ay si kadis ah indhaha ugu qabatay walalkeed Samiir oo isna ila barnaamijka marti ku ahaa islmarkaana waxaa Ilimo ay ka timid Bushraa oo is celin weysay Iyadoo Ooyneysa ayey u istaagtay dhanka walaalkeed halkaasina waxaa ka dhacay Ilimo farxad iyo Murugo is wata ah.

Bushraa oo horay aan u rajeyneynin in ay argi doonto walalkeed oo nool ayaa tiri”wali waan xasuusanahay Ilbiriqsiyadii kulanka mana hilmaami doono ilaa haddana qalbikeygu ayey ku soo dhacayaan maalinta kulankeena waxa ay ku soo aadeysa maalinta koowaad ee maalmaha ciida Adxaa waliba annaga oo joogno goob barakeysan alxamdulilaah.

dhankiisa Samiir ayaa ka hadlay arintani isagoo sheegay in aad aad ugu faraxsanyahay kulanka isagoo yiri” Ma ogeyn in ay xajka soo aadeysa balse farxad ayaan la biibi gaaray markii aan ogaday in walaashey ay joogto”MINA” waxa aan ka raadinaayey Teedhooyinka loo dhisay dadka eheladooda ku shahiideen falstiin ee loogu tala galay in lagu qabto barnaamijka” برنامج خادم الحرمين الشريفين الملك سلمان بن عبدالعزيز للحج والعمرة” waxaan u mahadcelinayaa Dhamaan dadkii ka shaqeeyey barnaamijkan iyo waliba boqorka” ayuu samiir ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...