Sayidka “Maandhoow cayaayirka iga daa Carabi waa naage”

-

Ceeb ayey Imaaraatku ku aheyd in uu ku lug yeesho dagaalka “Ghaza”, waa kan wariyaha Israeliga ah Yadi Cohen   oo sheegay , in duuliye Imaaraat ah uu qeyb ka ahaa weerarkii lagu qaadayey Ghaza todobaadyo ka hor,

Xaqiiqonews.com-Wararka dibadda.

Cohen ayaa  ku sheegay bartiisa twitter-ka warkan “Dahi Khalfan Tamim ma waxaa uu beenin karaa in uu jirey duuliye Emirati ah kaas oo qayb ka ahaa ciidamada cirka ee Israaiil ee weerarkii Gaza saddex todobaad ka hor? Wuxuu tababar ku qaadanaayey diyaaradaheena  F-35!, waxa aan ugu baqaayaa in uu beeniyo..” 

Waxaa la sheegayaa in xiriirka Imaaraatka iyo Yahuudda uu gaaray ilaa heer laa is dhaafsado, dhinacyada amaanka, sirdoonka iyo millatariga, arinkaasi oo qatar gelinaya amaanka wadamada jaamacadda Carabta ku abtirsada, ogowna in Somalia ay ka mid tahay.

Sayid Maxamed Cabdulle, ayaa ahaa tusaalaha ugu fiican, isagoo meel cad iska taagay isgaashi lala yeesho carabta,  waxaana diwaanka gabayada sayidka ka mid ahaa gabaygan hoose oo uu  mariyey xilli la su,aalay “Sayidow maad carabta gaalmo ka dalbatid?” waxaa uuna ku jawaabay:

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin.
Amaan aniga lay oran karayn, tanu ahaan mayso.
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta

Cudud ma leh col kula weerar gala ciidan iyo xooge.

Inkastey cid kuu soo diraan waa cidloo kale.

Caloosha iyo madaxay sidii dumar cantuugaane.

Maandhoow cayaayirka iga daa Carabi waa naage.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...