Saynisyahanada Oo ku Dhaw In Ay Xal U Helaan “Seddex-Xagalka Sheydaanka”

La Wadaag Asxaabtaada

Seddex xagal sheydaanka oo sidoo kale loo yaqaan “Bermuuda”, oo dhaca dhanka waqooyi ee badweynta Atlaantikada ayaa madax wareer ku noqday culimada sayniska, iyada oo halkaasi ay noqotay shabaq ay ku burburaan doomaha, maraakiibta, diyaaradaha iyo guud ahaan gaadiidka halkaas u soo dhawaada.


XAQIIQO NEWS- SAYNIS

Dhacdooyinka cajiibka ah ee la diwaan geliyey waxaa ka mid ah in halkaasi lagu waayey 5 ka mid ah diyaaradaha gantaalada xambaara ee loo yaqaan “Grumman TBF Avenger” diyaaradahaas oo laga lahaa Mareykanka.

Diyaaradahaas ayaa xiriirkooda la waayey sanadkii 1945-kii xilli ay ku guda jireen tababar, waxa ayna ka tirsanaayeen saldhigga cirka ee gobolka Faloorida.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu waayey 14 duuliyaal oo diyaaradda saarna iyo 13 shaqaale oo saarnaa waxa loo yaqaana “markabka biiba” ama “BBM”, markabkaasi oo loo diray baadi goobka diyaaradda la waayey.

Sida laga soo xigtay qoraalo cilmiyeed, baaritaano arimahan lagu sameeyey iyo xoga la helay ayaa la soo bandhigi doonaa todobaadka soo socda.

Sidoo Kale Aqri: Waa Kuma “Ilaaha Fowdada” ee Cabsi Geliyey Saynisyahanada

Xogaha la soo helay ayaa lagu soo bandhigi doonaa silsilado dukumenteriyo ah oo loogu magac daray “Sirihii ugu weynaa taariikda” xogahaasi oo laga soo aruuriyey baaritaano cilmiyeed muddo sanad ah oo laga sameeyey inta u dhaxeysa xeebaha Foloorida iyo bariga koonfureed ee Boortariiko (Puerto Rico) ilaa waqooyiga Bermuuda.

Ka hor inta aan la soo bandhigin baaritaankan, Mike Burnett oo ku takhasusay baaritaanada badda, waxa uu ka sheegeeyey in uu jiro burbur diyaaradeed oo lagu arkay goobta laga sameeyey baaritaanka isaga oo is weydiiyey: ma haraadigii diyaaraddii 1945-kii baa?

Laakiin Baare kale ayaa shaki abuuray isaga oo yiri “burburka la helay ma ahan diyaaraddii 1945-kii, maxaa yeelay waxaa halkani ku maqan boqolaal diyaaradood oo lagu waayey xeebaha Foloorida”.

Tan iyo sanadkii 1930-kii waxaa la waayey in ka badan 325 diyaaradood iyo wax ka badan 1200 oo doon kuwaasi oo ku shiiday ama ku burburay aagga loo yaqaan “Seddex xagalka Bermuuda” goobtaasi oo ku fadhisa masaafo dhan gobolka Alaska ee Mareykanka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada