Saynisyahano Beer Bani’aadan Ku Sameeyay Qolka Sheybaarka

La Wadaag Asxaabtaada

Koox Aqoonyahano ayaa ku guuleystay in ay sameeyaan beer yar oo gacan ku sameysa ah iyaga oo isticmaalay cad yar oo ay ka soo jareen jirka bani’aadamka .


Xaqiiqonews-Saynis-Caafimaad

Baarayaal ka tirsan Jaamacada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania Dalka Mareykanka, ayaa ku sameeyey tijaabadan iyagoo borogaraamiyey unugyada jirka si loo sameeyo “unugyada beerka”, tijaabada ayaana noqon karta mid albaab cusub u furta “beeritaanka xubna bani’aadamka”.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Sciencetimes, arintani waxa ay suuragal ka dhigeysaa in Sheybaarka lagu sameeyo xubin bani’aadam iyadoo qeyb xubinta ka mi ah laga soo jaraayo jirka bukaanka.

Sida Laga xoo xigtay kooxda baarayaasha ah, xubinta la sameeyey ayaa sii nooleyd mudo afar maalin ah markii xaywaanaad loo galiyey.

Sidoo Kale Aqri.. Waa Kuma Ilaaha Fowdada ee Saynisyahanada Cabsi Geliyey!

Wargeyska Sciencetimes ayaa aaminsan in tani hor u dhac u tahay daaweynta cudurka “beer fadhiisiga” kaasi oo Mareykanka bes ku dila dad lagu sheegay 40 kun oo qof.

Soto Gutierrez waxa uu leeyahay “Waxa aan aaminsanahay in tani ay tahay talaabo muhiim ah, waana macquul gal in xubin dhameystiran la sameyn karo iyada oo qeyb jirka ka mid ah laga soo qaadanaayo”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada