Saynisyahano Mustaqbalka Ka Sii Digaya Covid-26 Iyo Covid-32 !

-

Peter Hotez oo ah saynisyahan Ameerikaan ah kana mid ah khubarada ku takhasustay Covid-19 iyo cudurada caabquyada ay sababaan, ayaa carabka ku adkeeyey lagama maarmaanimada in la sameeyo daraasado qoto dheer oo ku saabsan Covdid-19, hadii kalase dunida ay wajahi doonto Covid-26 iyo 32.


XAQIIQO NEWS – CAAFIMAAD

Isaga oo la hadlaayey Telefishinka NBC News, ayuu sheegay in aduunka meel fog laga jirin doono hadii aanan si dhab ah loo fahmin safmarka soo noqnoqday ee Covid-19, isaga oo yiri “waxaana arki doonaa covid-26 iyo covid-32 hadii aynan sii fiican loo ogaan halka uu ka soo asgumay covid-19.

Hotez ayaa tilmaamay lagama maarmaanimada in la sameeyo daraasad cusub,waxa uuna adkeeyey muhiimadda in saynisyahano ku takhasusay Fayruska iyo caabuqyada loo diro magaalada Wuhun ee shiinaha, halkaasi oo la rumeysan yahay in cudurkan ka soo bilowday.

Sidoo kale Aqri: Waa kuma Ilaaha Fowdada ee Saynisyahanada Cabsi Geliyey?!

Khabiirka ayaa carab dhabay in ay adkaan doonto in la fahmo cudurka, hadii aan dowladda Shiinaha lala kaashan kiiska.

Hotez ayaa yiri “waxaan u baahanahaya cadaadis la saaro shiinaha, xitaa hadii ay noqoto cunuqabateyn, si kooxda cilmi baarista shaqadooda u qabsadaan iyaga oo wax cabqad ah la kulmin.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...