Haweeney Ilaah Ka Baryeysa In Uu Ninkeeda Afaraad Dhowro

-

Haweeneydan Afghaaniga ah waxa ay ilaah ka baryeysaa in ninkeeda afaraad uu dhowro ka dib markii seddexdii nin isaga ka horeeyey ay ku dhinteen dagaal .


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Haweeneyda ayaa ninkeedan -askariga ah- ugu duceyneysa in uu ka dhowro xabadda ururka Taalibaan oo uu dagaal kula jiro, ka gadaal markii seddexdiisii walal ee isaga ka horeysay uu mid walbo ku baxay gacanta Taalibaan.

Taji ayaa ninkani ku guursatay dumaal- ka dib markii walalahiis ay ka dhinteen- waxa ayna leedahay “ma rabo in aan mar afaraad garoob noqdo, oo ilmaheyga shanta ah agoon noqdaan”.

Sidoo Kale Aqri..Haweeney Isku Badashay Dooro!!

Taj Bibi, waxa ay aheyd 18 jir markii ay guursatay walalkii ugu weynaa ee qoyska, oo xilligaasi ahaa askari.

Sida ay Bibi u sheegtay Reuters: noolasheeda waxba ka qasneen ilaa uu dhintay ninkeeda ka dib dagaal uu la galay Taalibaan, ka dibn waxa ay guursatay walalkiis ka yaraa oo isna askari ahaa, madaama dhaqanka Afghanistaan uusan ogoleyn haweeneyda in ay ka guursato meel ka baxsan qoyska.

Wax badan kama soo wareegin, waxaa isna bar koontarool lagu dilay ninkeeda labaad iyada oo uur leh, seddex bilood ka dibna Bibi waxa ay guur ka ogolaatay wiilkii seddexaad oo isla qoyska ah, oo ahaa sarkaal booliska ka tirsan, kaasi oo ku dhintay gacanta Taalibaan sanadkii 2017.

Isla sanadkaasi waxa ay guursatay, Amiinu Laah, oo ah wiilka afaraad ee qoyska, kaasi oo qaadi doono mas’uuliyadda caruurta ay walaalihiis ka dhinteen.

Bibi waxa ay leedahay “mar waxa aan eedeeyaa Taalibaan, mar waxa aan eedeeyaa Dowladda Afghanistaan, marna waxa aan eedeeyaa ciidanka shisheeyaha, laakiin inta ugu badan nafteyda ayaan ku eedeeyaa xanuunkan oo dhan”.

“Islaamka waxa uu na barayaa in aanan la is dilin, laakiin halkani waddankeena, nooc walb waa la iska dilaa, qof walba ayaa la dilaa” ayey sii raacisay.

Waxa ay tiri waxaan ka codsay in uu iskaga baxo ciidanka, hase ahaatee waxa uu mar walbo ku qanciyaa in uu soo laaban isaga oo badqaba, waxa ayna leedahay “noolasheyda waxa ay ku xirantahay noolasha ninkeyga”.

Taj Bibi waxa ay ku nooshahay degmada Sadiqabad ee ka tirsan gobolka buuraleyda ah ee Kunar oo dhaca Koonfurta Afghanistaan.

Inta ugu badan waqtigeed waxa ay ku bixisaa, toliska dharka caruurteeda, barbaarinta iyo ka warqabka xubanaha qoyska kuwaasi oo ka kooban 15 qof, oo ku tiirsan mushaarka billaha ah ee uu qaato amiinu alaah, ee gaaraya 300 doolar iyo sidoo kale gunada yar ee lagu siiyo nimankeedii dhintay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...