Scenario…Itoobiya Oo Isku Badali Doonto Dhulka Dagaalkii Seddexaad Ee Aduunka

-

Tobaneeyo qof oo u badan saraakiil iyo mas’uuliyiin ayaa lagu dilay wadanka Itoobiya kadib markii uu dhacay isku day Inqilaab oo ladoonayay in talada looga tuuro Dowladda uu madaxda ka yahay Abiy Axmed. 

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa xaqiijinaya in ladilay Jeneraal Mykonin Syari oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Xabashida Itoobiya, war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in mid kamida ilaalada Jeneraalka uu toogashada geystay kadibna gacanta lagu dhigay sida uu sheegay Afhayeenka xukuumadda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dilka Jeneraal Mykonin Syari uu qeyb ka ahaa isku day Inqilaab oo lagu doonayay in lagu bedelo maamulka wadanka, goor sii horraysay oo maanta ah ayaa la iclaamiyay in ladilay madaxweynihii ismaamulka gobolka Amhara iyo inta badan madaxdii gobolka.

Sidoo kale Aqriso: Ninkii ugu nasiib badna waxa uu ka badbaaday-burburkii diyaaraddii- Itoobiya

Dowladda Itoobiya waxay sheeganaysaa in ay fashilisay Inqilaab melleteri oo ay soo abaabuleen kooxo ay ugu yeertay “qaswadayaal” balse illaa iyo hadda lama oga xaaladda ka jirta gudaha wadanka sababa laxiriira isgaarsiinta Taleefannada iyo Internetka oo hawada laga saaray.

Dadka ka faalooda arimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Dalka Itoobiya uu cagta saaray wadadii dagaalka,waxaana gobolada Waaweyn ee Itoobiya ka socdo hub isku aruursi iyo faruuryo qaniisi taasi oo xaalka ka dhigeysa mid ku socdo “dagaal weyn oo qarxaa”

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...