Sh. Cali Dheere Oo Qur’aan Akhris ugu Qeyb galay Kaaraan!

-

Kulan Quraan akhris ah ayaa lagu qabtay masjidka Sh. Muxidiin Celi ee ku yaalla degmada Kaaraan ee G. Benaadir.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Kulanka qur’aan akhris ah ayey soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha diinta iyo awqaafta ee DF-ka, iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa wasiirka ku xigeenka diinta Cismaan Aadan Dhuubow.

Dhuubow ayaa muhiimadda kulanka ku sheegay in ay tahay duco iyo alla baray shacabka loogu duceynaayo in Eebe ka badbaadiya cudurka faafa ee Karoona Fayrus.

Gagabada kulanka ayaa mas’uuliyiintii kulanka ka soo qeyb gashay waxa ay caagaga yar ee biyaha ku qaateen tahliil iyaga oo sheegay in ay gaarsiin doonaan madaxda aysan u suurtagalin in ay goobtan imaadaan.

Sidoo Kale Aqr..Gedo..Alshabaab Yey La Safanyihiin Df-ka Mise Kenya?

Wararka qaar ayaa sheegay in Farmaajo uu ka mid ahaa madaxdii loo geeyey tahliilishii laga qaaday masaajidka Sh. Muxdiyiin Ceili

Shiikh Cali Maxamuud Sh. Cali dheere oo ah agaasimaha waaxda diinta ayaa sheegay in waqtigan ay muhiim tahay in la badiyo alla barayga iyo qur’aan akhriska, isagoo xusay waddamada horumaray in ay u taag la’yihiin cudurkan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...