Sh. Xasan Daahir Aweys Oo Ka Nixiyey Lamaanihii Guurkooda “Muranka Dhaliyey”

-

Xasan Daahir Aweys ayaa af-dab ah ku weeraray waxa uu ku tilmaamay “Kufri” isagoo sheegay in aysan banaaneyn in la gubo qof muslim ah balse dhanka kale waxa uu xasan eedeyn ku tuuray gabadha isagoo yiri ““Gabdhaha marka ay shahwadu ku dhegto lama karo, mana aragto qof aan ahayn qofka ay jeclaatay, laakiin marka ay shahwadu ka dgeto ayay maskax yeelan doontaa !”

Xaqiiqonews.com-Wararka gudaha

Wadaadka mayalka adag Sh. Xasan daahir Aweys oo Hadda Ku jira Xabsi guri, ayaa fikirkiisa ka dhiibtay Sheekada todobaadka ee Guurkii “Muranka dhaliyey”.

Sh Aweys ayaa ayaa go,aan cad iska taagay guurka heeb sooca ku dhisan isagoo dhiirigeliyey in dacwadan lala aado “shareecada Islaamka”, hase yeeshe waxaa uu mugdi giliyey  sida laamaha dowladda ay u qaadan karaan go,aano ku dhisan Shareecada.

Dhanka kale Shiikha ayaa weerar ku qaaday lamaanaha isagoo yiri ““Gabdhaha marka ay shahwadu ku dhegto lama karo, mana aragto qof aan ahayn qofka ay jeclaatay, laakiin marka ay shahwadu ka dgeto ayay maskax yeelan doontaa, mana dhaqmi doonto”.

Ugu dambeyntii Xasan Aweys ayaa is weydiiyey sababta gabar hooyadeed xirantahay loogu sameeynaayo wax loogu yeeray “Aroos Qaran” wuxuuna la yaabay dilkii foosha xumaa ee lakula kacay Axmed Dowlo.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...