Shacabka Muqdisho Oo Saakay Jawi Cusub ku Soo Toosay iyo Ciidanka Doowladda oo Waddooyinka Xiray

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Shacabka magaaladda Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay jawi ka badalan kii ay xalay ku seexdeen kadib markii ciidamo aad ubadan ay xireen wadooyinka magaaladda.
Ciidamadan oo aad uhubeysan ayaa xiray xiray Wadooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho, tani ayaa la xiriirta Munaasabada aas aaska maalinta ciidanka xoogga dalka 12ka -April oo lagu wado maanta  si weyn looga xusi doono Muqdisho.
Warbaahin Dowlada ayaa Xalay waxey baahiyeen fariimo shacabka loogu sheegayo in la xirayo Wadooyinka Muqdisho islamarkaana shacabka ay dulqaataan,waxaana lagu wadaa in Munaasabada lagu xusayo aas aaska ciidanaka xoogga Dalka in uu ka qeyb galo Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha labada gole ee Dowlada Soomaaliya.
Si kastaba gabaldhicii shalay ayaa ciidanka Dowlada Soomaaliya waxey horay u sii xireen Wadada aada Madaxtooyada Soomaaliya,iyadoona inta xiliyada Muqdisho ay ka dhacayaan Munaasabadaha sidan oo kale ah inta badan la xiro Wadooyinka arimo ku aadan Amaanka.
Ciidamo badan ayaa dhanka kale ku sugan isgoysyada magaaladda Muqdisho, kuwaas oo sugaya amaanka.
Xuska maalinta ciidamada xooga dalka ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Farmaajo uu dhawaan iclaamiyay dagaal ka dhan ah AlShabaab sidoo kalana Muqdisho ay ka dhacayaan qaraxyo waa weyn oo qaarkood lagu laayay ciidamada maanta dabaal dagaya.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...