Shanta Golaha Sare ee Dowladda farmaajo oo muran soo kala dhaxgalay#aqriso sababta

-

Sida ay ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya xaqiijiyeen, waxaa Soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya ragga aadka ugu dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Khilaafkan ayaa salka ku haya cida noqoneysa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho oo noqday mid ka mid ah xilalka loogu doonista badan yahay.
Kulan habeen hore Xarunta Madaxtooyada ay kula lahaayeen Fahad Yaasiin oo ah nin aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo Yusuf Jaalle oo ahaa Madaxii ololihii doorashada Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday khilaaf iyo is mari waa.
Kulankan ayaa markii hore waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka mid ah Shanta Golaha Sare ee saaxibada Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee markii xaalada xumaatay, waxaa laga codsaday inuu dibadda uga baxo, si labada nin iyo Madaxweynaha uga xaajodaan arrintan.
Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu aad ugu dadaalayo sidii xilkan loogu magacaabi lahaa saaxibkiis Taabid Cabdi, balse Yuusuf Jaalle uu ka soo horjeestay, iyadoo kulankan uu gaaray heer faro isku taag taag iyo buuq.
Kadib hadalo iska soo horjeeda oo dhex maray labada nin ayaa markii dambe madaxweynaha Farmaajo, wuxuu Labaduba ku amray in ay joojiyaan ka hadalka dooda ku saabsan Gobolka Banaadir.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa socday loolan ku aadan qofkii noqon lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan raadinaya shaqsiyaad ay ka mid yihiin Taabid Cabdi iyo Yuusuf Jaalle.
Khilaafkan soo kala dhax galay saaxiibada Madaxweyne Farmaajo ayaa keeni kara in Guddomiyaha Gobolka Banaadir uu Madaxweynaha u magacaabo shaqsi kale ama loo sii daayo Guddoomiyaha xilka haatan haya muddo aan la cayimin.

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu ogaaday in indhahu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...