Shaqadu Waa Ay Na Dileysaa Mana Fahmeyno…Ogow Sababta

-

Macalin Jeffrey Weaver oo bara ka ah jaamacadda Stanford University kuma qaldaneyn oraahdiisa caanka ah “Shaqadu dadku ayey dishaa”.

Xaqiiqonews-

Weaver oo xubin ka ah kuliyadda dirsaadka sare ee Maamulka iyo shaqada ee jaamacadda Stanford University waxa uu qoray 15 buug oo ka sheegeynaya maamulka iyo Kheyraadka Dadka(HRM), waxaana ninkani lagu tilmaama mid ka mid ah dadka ugu caansan ee wax ka qora maamulka iyo shaqaalaha.

Sanadkii tagay dhamaadkiisa waxa uu Weaver qoray buuga uu ugu magac daray “Dhimashada Mushaar raadinta”

Weaver ayaa tusaale ka dhigtay Hamad oo ahaa nin reer Japan ah oo dhintay xilli uu jiray 42 sano, Hamad waxa uu shaqeyn jiray 72 saac todobaad walbo, waxa uuna subax waliba safri jiray 2 saacadood oo xariir ah isagoo u socda xafiiskiisa, waxaa uuna shaqeeyey 40 maalmood oo xariir ah ilaa uu dhintay.

Wareysi ay BBC-da la yeelatay Weaver ayaa waxa uu u dhacay Sidan

-Buugaada waxa aad ku sheegtay in qaabka shaqada ay tahay mid sun ah Maxaad arintaasi ku cadddeyneysaa?

Weaver: “Caddeyn waxaa ku filan qaabka ay u saameyneyso caafimaadka, taasi oo ka dhalaneysa ssacadaha dheer ee shaqada, xitaa marka laga soo tago buburka iyo muranka qoys ee ay sababtu shaqada waqtiga dheer ah.

Shaqadu waxa ay noqotay mid ka baxsan “Bani’aadanimada” dhanka kalane damaca ku dhisan dhaqaale ku raadinta qaabka shaqaalinimo waxa ay sii murjisay xaaladda.

BBC: Haddaba yaa qaadaya Mas’uuliyadda?

Wever” sanadihii Kontomeeyada iyo lixdameeyada, maamulayaasha waxa ay ka fikiri jireen danaha Shaqaalah iyo tan shirkadda si isku mid ah.

Balse maanta maamulayaasha waxa ay had iyo jeer ka fikiraan oo kaliya “Shirkadda”.

BBC: waxa aad buugaada ku sheegtay in Shaqaalanimada ay tahay shayga shanaada ee sababa dhimashada?

Weaver-Haa waliba sidaasi waa ay ka sii darantahay. dadka loo shaqeeya ayaana qaadaya mas’uuliyadda sidoo kale dowladda ayaa ma’uuuliyadda dhabarka u ridineysa.

BBC- Maamulayaasha Shirkadaha sidee bay u arkeen Fikirkaada?

Weaver: qofna arintaasi igalama doodin,arintuse waxa ay u egtahay ciyaarta “Bataatiga Kulul” Hot Potito dadka oo dhan waa ay arkayaan dhibaatada laakin ma jira qof arinta daneynaya.

BBC: Sidee Shaqaalaha arintooda ay waxa uga badali karaan?

Weaver: Ugu horreyn shaqaalaha waa in ay qaataan mas’uuliyadooda qofeed, hadii shaqada ay haayaan ay tahay mid aan isku dheelitireynin oo waxa u dhimeysa caafimaadkooda ama qoyskooda waxa aan kula talinayaa in ay iskaga tagaan shaqadaas.

Dadka qaar ayaa waxa ay ku jawaabayaan “Ma awoodo in aan shaqada ka tago” dadka noocaasi ah waxa aan leeeyahay “hadii aad is aragto adiga oo ku dhax jira qol gubanaya oo qiiq buux dhaafiyey, waan hubaa in aad carari doonto oo aad naftaada badbaadin doonto

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...