shariif xasan oo qorsha dagay una yeeray xildhibanada labada gobol ee federal ee ka soo jeeda koonfurgalbeed

La Wadaag Asxaabtaada

Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa ka digay in xiisada ka taagan Gobolada qaar loo rogo deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada oo qaarkood ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay qaadi doonaan talaabo haddii ay dhacdo in xiisad siyaasadeedka ka taagan Galmudug laga abuuro deegaanada maamulka uu ka taliyo.

Xildhibaanada oo magaalada Baydhabo kula kulmay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyaha baarlamaanka, ayaa sheegay inay kasoo horjeedan in Koonfur Galbeed la galiyo mid lamid ah xiisada ka taagan Galmudug.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen ujeedka ay u tageen magaalada Baydhabo inay tahay sidii loo dhameyn lahaa xiisado siyaasadeed oo ay wadaan xildhibaano iyo siyaasiyiin, kuwaasi oo saluugsan hab maamulka Shariif Xasan.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare, ayaa sheegay inaysan ka waaban doonin xaqiiqda isla markaana aysan isha ka daawan doonin dhibaato laga dhex abuuro deegaanada maamulka.

Xildhibaanka ayaa cod dheer ku sheegay inay jiraan siyaasado halis badan oo lagu wareejinaayo dhammaan maamul Goboleedyada kuwaa oo la doonaayo in lagu kala diro maamulada Gobolada.

Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada