Sheekh MaxamedShaakir “Nama quseyso doorashadii Cadaado, Xaaf waxaa ku ogaa Ganacsade”

-

Madaxweynaha Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in aysan quseyn doorashadii shalay ka dhacday degmada Cadaado, kaasoo Madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Madaxweynaha la doortay ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu ku ogaa inuu ahaa Ganacsade, wax intaas dhaafsisan aanu ku ogeyn.

“Doorashada ka dhacday Cadaado anaga nama quseeyo, ninka la doortay Axmed Ducaale Xaaf waxaa ku ogaa inuu ahaa Ganacsade, anaga maamul isu aqoonsanahay, ayagana nama aqoonsana, anagana ma aqoonsani”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Mar uu ka hadlayay shirkii guuldareystay ee Muqdisho ka dhacay ayuu sheegay in iyaga ay dalbadeen in la isku daro baarlamaanka maamulkiisa iyo kan Galmudug, si wax la aqoonsan yahay uga soo baxo.

Waxaa uu soo jeediyay Gobolada Dhexe ay u baahan tahay in la mideeyo, shacabkooda la walaaleeyo, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan cadawgooda.

Maamulka Ahlusuna ayaa lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa wada hadaladii fashilmay ee Muqdisho ka dhacay, waxaana Ahlusuna ay soo bandhigtay shuruudo adag, taasoo keentay in wada hadalada socon waayaan

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...