Fikradaha Shirqoolka“Conspiracy theorists” ayaa soo kordhiyay walaac cusub oo ku saabsan dhammaadka caalamka ee bisha soo socota,waliba watqti deg deg ah oo aan la fileynin,taasi oo ka dhalan doonto-sida ay sheegeen- isku dhac ku yimaada meeraha Jupiter iyo qoraxda bishanAbriil 23-keeda.
Habeenkaas, waxaa la sheegay in meeraha qarsoon ee loo yaqaan ‘Nibiru’ uu ka muuqan doono cirka, kadibna waxaa bilaabmaya bilowgii Dagaalkii Dunida ee seddexaad III, waxaana soo bixi doono Masiixu Dajaal.
Bishii Sebtembar, Nick Pope, oo ah khabiir hore oo ka tirsan wasaaradda difaaca Pentagon-ka, ayaa sheegay in aragtiyaha dhammaadka caalamka, oo ay ka mid tahay muuqaalka ‘Nibiru’, ay tahay sanbuus afar gees leh.
NASA ayaa sidoo kale dhaleeceysay aragtiyahan, iyagoo adkeeyey in fikirkani uusan ka xageynin ‘Qiyaano Internet”, waxeyna ku celceliyeen in kowkabka loo yaqaan “Kowkabka geerida” uu yahay guud ahaanba waxba kama jiraan.