Sheeko Qosol leh: Haweeney idaacad la soo xariirtay oo dad badan ka Yaabsatay#Maxey sheegtay

La Wadaag Asxaabtaada

Wqargeyska Times of oman ee ka soo baxa dalka Cumaan isla markaana ku baxa Afka ingiriisiga ayaa daabacay dhawaan sheeko cajiib oo ku saabsan haweeney lasoo xariirtay idaacad maxali ah iyadoo hanjabaad kulal hawada u marineysa ninkeeda iyadoo ku qeylineysay in ay ninkeeda gubi doonto oo ay cad cad u kala jari doonto.

Wargeyska ayaa qoray isagoo xiganaya hadalka haweeneyda” runtii waxaan doonayaa in aan ka aargoosto ninkeyga waana hadafkeyga in aan ka takhaluso mana jirto qof aan ka cabsanaayo oo Ilah aan ka aheyn mana ka walwalsani in la ii toogto ama in xabsi daa,im la iga xakumo maxaa yeelay hadii aan ninkeyga dilo waxan aaminsanahay in caruurteena ay helayaan nolol fiican”

Dhanka kale afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in la soo xiray haweeneyda uuna socdo baaritaan arintanina ay tahay danbi marka la fiiriyo qaanuunka cumaan hase ahaate isla afhayeenka booliska ayaa sheegay in haweeneyda ay ku doodeyso in markii hajanaabadda ay jeedineysay uu la joogay ninkeeda iyadana ay dhinac fadhisay ninkeeda balse u jeedkeeda uu ahaa kaftan iyo baashaal oo kaliya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada