Wadaadka caanka ah islmarkaana ah Imaamka Masjirka Xaramka Cabdiraxman Sudeysi ayaa markii ugu horreysan ka hadlay Khilaafka Diplomaasiyadeed Ee ka dhax aloosan dowladaha Khaliijka.
Sudeysi ayaa taageeray go,aanka dowladda sacuudiga xariirka ugu jartay qatar iyo liiska cusub ee argigixiso looga dhigay culimo caan ah oo mafakiriin ah oo uu ka mid yahay Yuusuf Alkhardaawi.
War lagu daabacay Website-ka rasmiga ah ee ku hadla afrka Xarameynka ayuu ku yiri sudeysi”waxaan taageersanahy go,aanka sheikh cabdi caziiz Aala Sheikh musftiga sacuudiga uu ku ku taageeray in xariirka loo jaro qatar iyo dadka baahiya fikirka argigixisada”
hadalk Sudeysi ayaa ku soo beegmay xilli qatar iyo sacuudiga ay ka dhax aloosantahay xiisad Diplomaasiyadeed balse u muuqata mid salka ku heysa fikir kooxed waxaana dowladda sacuudiga ay ka biyo diindantahy waxa ay ugu yeertay naasnuujinta gooxaha argigixisada.
Qatar ayaa xariir wanaagsan la leh ururka ikhwaanul muslimiin oo dalka sacuudiga loogu aqoonsaday urur argigixiso sidoo kale qatar ayaa soo dhaweysa qaar ka mid ah kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama dunida islaamkak kuwaasi oo mareekanka iyo sacuudiga ay u aqoonsanyihiin Argigixiso
Sheikh Cabdiraxman Sudeysi oo Sacuudiga Taageeray Qadarna Ku tilmaaay Argigixiso
-