Sheikh Cali Jabal oo dhintay Ugu danbeyntii Iyo Alshabaab oo Qiray#aqriso bayaan

-

Bayaankan oo uu ku saxiixnaa hogaanka sare ee Al-Shabaab, kuna qornaa luuqadda carabiga ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey geerida Cali Maxamed Xuseyn (Sh. Cali Jabal) oo ahaa inka alshabaab ugu magacownaa waaligii Wilaayada Banaadir kaas oo horaantii bishan aan ku jirno ee Dul-Qacdah ku dhintay duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka geysteen Gobolka Sh/hoose.

Bayaankan oo cinwaan looga dhigay “Tahniyad iyo Tacsi ku socota Umadda Islaamka oo ku aadan Istish-haadka Sheykh Cali Maxamed Xuseyn) ayaa lagu daahfuray aayadda 169aad ee Suuratu Aala-Cimraan.

Bayaankan kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Shabaab ayaa lagu yiri: “Waxaan maanta halkaan uga hambalyeyneynaa ugua tacsiyeyneynaa Istish-haadka geesi ka mid ah halyeeyada Islaamka ee baalka dahabiga ah ka galay sooyaalka taariikheed dhulka Soomaaliyeed, kana tagay taariikh weyn oo magaciisa wax badan ka xambaarsan.

Waxaa uu ahaa h Cali Jabal, Sidaas ayay ugu yeeri jireen kuwa Jecel, Walaalahiisa iyo inta ay dagaalka halka saf Isla wadeen, Waa Cali Maxamed Xuseyn, oo ugu danbeyntii noolshiisa ku soo gagabowday duqeynta mareekanka ee inta badan leysay hogaamiyaashii xarakada alshabaab .

Mar uu bayaanku alshabab ka hadleyeen geerida cali jabal waxa ay ka hadleen waxqabadka Sheekha iyo dadaalkii xooganaa ee uu bixiyey dagaalka dowladda iyo alshabab waxaa lagu yiri: “Garraadkiisa sareeya, Ra’yigiisa toosan iyo himmadiisa fog ayuu ku kasbaday kalsoonida hogaankiisa, Waxaana uu ahaa waaligii ugu horeeyey ee loo dhiibo xilka Wilaayaatka Islaamiga, Waxaana uu mas’uul ka noqday Wilaayada ugu muhiimsan, uguna culeyska badan Wilaayaatka dalka, Waa Wilaayada Banaadir ama Muqdisho, Waxa uu hoggaanka u qabtay xilli ay xaaladu aad u adag tahay, qalalaasa fara badana uu jiray, Wuxuuna ahaa mid gutay waajibkiisa oo wanaajiyey wilaayada, baacsadayna dambiilayaasha ilaa uu amnigii dib u soo hagaagay.

ugu danbeyntii Alshaab ayaa cadeeyey in Maalintii Axadda ahayd oo taariikhdu ku beegneyd 7-dii dul-qacdah 1438h, uu dhintay cali jabal isagoo ku sugan saldhig ku yaala shabeelaha hoose waxayna isku dayeen diyaaradaha Mareykanka in ay duqeeyaan, markii koowaad wey la weysay hadafka, markii labaadna wey la heshay, halkaasna waxaa ku dhintay isaga iyo wiilkiisa Maxamed Amiin kaas oo da’diisu aanay ka badneyn 12 sano iyagoo halkaas uga wada geeriyooday.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...