Dad badan oo naga mid ah waxba kama oga nolasha Ibliis hadaba aqriste in laga hadlo Ibliis ma ahan arin lagama maarmaan ah ee u jeedka warbixinta ayaa ah in qofka uu helo aqoon.
Sheikh caalim ahaaa ayaa la weydiiyeey” Ibliis Naagtiisa Magaceed?” waxaa uu ku jabaabay Sheikhii caalimka ahaa”maxey faa,ido ah oo ay kuu leedahay in aad ogaato xaaska Ibliis balse hadii aan isku dayo cilmiga ilaah ayaa iska lehe waxaa la yiraahdaa “ايليزابات” IbliiZiibaat”.
Sheikh kale Oo taabici ahaa oo la oran jiray Shacbi ayaa la weydiiyey”Ibliis Naagtiisa Magaceed?”Shacbi waxaa uu ku jawaabay”Waa aroos aanu ka qeyb galin !” waxaa uu sii raaciyey intaasi “waxaa aan soo xasuustay hadalka ilaah ee aahaa“أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّته أَوْلِيَاء”(Ibliis iyo caruurtiisa ma waxaad ka dhiganeysaan owliyo”) ka dib ayaan ogaaday in hadii ibliis caruur uu leeyahay qur,aanka sheegay in laga maarmaan ay tahay in uu xaas leeyahay”
Qaabkee IBLiis iyo Xaaskiisa Iskugu tagaan.
waxa uu leeyahy Sheikh Mujahid “ibliis waxaa uu geliyaa farjigiisa farjiga naftiisa markaasi ayaa uu dhalaa shan ukun”
waxaa kale oo la yiraahdaa”lugta midig ee Ibliiska ilaah waxaa uu ka abuuray Lab halka lugta bidixna laga abuuray dheddig sidaa darteed labada lugood ayaa isku taga sidaas ayuu Ibliisku ukumo ku dhalaa ka dib ay u soo baxaan caruurta la sheegaayo.
Qaar ka mid magacyada Caruurta IBliis iyo Shaqooyinkooda
waxaa jira axaadiith ku qoran saxiixeenka iyo kutabada kale ee axaadiithta kuwaas oo ay ku soo arooreen qaar ka mid ah magacyada caruurta ibliis iyo shaqooyinkooda
رواه مسلم رحمه الله في صحيحه: أن عثمان بن أبي العاص أتى النبي صلى الله عليه وسلم فقال: يا رسول الله ، إن الشطان قد حال بيني وبين صلاتي وقراءتي يلبسها علي!! فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ذاك شيطان يقال له خنزب . فإذا أحسسته فتعوذ بالله منه ، واتفل عن يسارك ثلاثا قال: ففعلت ذلك فأذهبه الله عني .
Muslim waxaa uu ku wariyey Saxiixiisa” in Cuthman Ibnu caas uu u yimid nabiga scw isagoo leh rasuulkii ilaahiyow waxaa salaada iyo aniga na soo dhax gala shaki qiraa,ida aan waday ayuu iga qaldayaa markaasuu nabiga yiri scw :waa sheeydaan kaasi waxaana lagu magacaabaa Khinzab hadii aad dareenta iska naar sheydaanka dhanka bidix seddex mar canduufa u tuf” waxaa uu yiri cuthmaan sidii ayaan sameeyey ilaah ayaa iga tagsiiyey waswaaskii.
waxaa laga fahmayaa xadiithkan in sheydaanka Khinzib lagu magacaabo uu ka mid yahay caruurta Ibliis waxaa uuna qaabilsanyahy waswaasinta salaadda.
hadaba halka hoose ka aqriso qaar ka mid ah magacyada caruurta iblliis iyo shaqooyinkooda ay qabtaan
هفاف (Hafaaf )waxaa uu uu qaabilsanyahay in uu dadka dhibo ama ka nixiyo isagoo isku soo muujiya sida xaywaan oo kale.
زلنبور(Zalanbuur) waxaa uu qaabilsanayahay suuqyada, hadalada beenta ah iyo sidoo kale dhaarta beenta ah iyo amaanta beenta ah ee badeecooyinka loo nisbeeyo.
أعور(acwar) waxaa uu qaabilsanyahy in uu kicyo shahwada qofka sida in uu ragga iyo dumarka ku qalqaaliyo Zinada iyo Xumaanta.
لاقيس(Laaqeys) waaa gabar uu dhalay Ibliis waaana sheydaankii baray dumarkii Qowmu Luudh in ay noqdaan(Lesbians=dumar dumar kale galmo la sameeynaayo) ka dib markii raggii ay iyagu isku mashquuleen) waana ilaa hadda sheydaanka qabilsan howlahaasi.
دهّار(Dahaar) waa sheyddanka qaabilsan in uu mu,miniinta ku dhibo hurdada sida in uu riyooyin cabsi leh tuso ama in uu u keeno dumar ajaanib ka ah riyada dhaxdeeda.
Inta aan kor ku xusnay iyo kuwa kale oo badan ayaa ka mid ah caruurta sheydaanka sida ay qoreen culimadii mowduucaan ka hadahsay iyadoo laga tixraacayo axaadiithta nabiga SWC laga soo wariyey.
Waxaan rajeynayaa in wax badan aad ka faa,ideysateen mowduucaan waslamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu