Sheikh Mustafa “Gaalo Meel Ma Jirtee Cid ka Daba Dagta ayey La,dahay”

-

Aniga oo dhageysanaya mid ka mid ah muxaadaraadka sheikh mustafa Ismail Harun ayaa waxaa si weyn isoo jiitay kalimadan “Gaaalo meel dheer ma jirtee, cid ka daba dagta ayey la,dahahy”.

Warbixintan yar, ayaan waxa aan ku lafa guri doonaa oraahadan, oo sida aan aniga aaminsanahay ku fadhisa macno weyn islamarkaana shidaal ku sii shubtay Oraahdii qalbikeyga ku gubaneysay ee aheyd “maxaa wadamada horumaray nasiibkooda nooga wanaagsaaday, ?!”.

hor iyo bilow inta aan wax kale oo dhan u galin gudaha, ayaa waxa aan rabaa in aan ka jawaaba su,aal ah “annaga ma waxaan nahay doqomo?,rer galbeedkana ma dad naga caqli badan baa?!

hadii aan isku daya jawaabta su,aashaas waxey ila tahay maya sidaasi ma ahan ee farqiga anaga iyo reer galbeedka noo dhaxeeya ayaa ah {Reer galbeedka waxa ay taageeraan kooda fashilmay ilaa uu ka guuleysto…balse annaga waxa aan la dagaalanaa keena guuleysta ilaa uu ka fashilmo}.

intii u dhaxeysay afartameeyda ilaa kontomeeyada qarnigii tagay, oo ah waqtigii gumeystayaasha ay haysteen Africa ayaa waxaa la ii sheegay qiso aan hubin xaqiiqdeeda, balse aad ii soo jiidatay, waxaana nuxurka qisada uu ahaa in nin soomaali ah oo isku dayey in uu sameeyo diyaarad ! haa diyaarad waxaa uuna ku daba dayaanayey reer europe oo xiligaasi isticmaalaayey diyaarado joog hoose ku duulaaya.

Balse markii gumeystaha uu ka war helay warkaasi waxaa uu bilaabay ishortaag iyagoo ka diiday ninkii in uu sii wado isku dayadiisa waxa ayna arintaasi la kaashadeen odayaasha dhaqanka oo ah tool”qalab” loo isticmaali jiray in bulshada lagu furfuro.

Odayaal isgarabsanaya oo u abaabulan qaab beel ayaa ninkii soomaaliga ahaa ku qasbay in uu joojiyo isku dayadiisa, waxa ayna ku mar marsiyoodeen in falkan {saameynta diyaarada} uu yahay fal u gaar ah gaalada!, waxaan ugu danbeyntii ninkii lagu tilmaamay nin waalan waxaan la saaray qur,aan si loo hilmaamsiiyo waxa loogu yeeray “falka gaaleed”

Sheekadani waa mid aan baahsaneen, sababtuna ma ahan mid cad, balse la arkee in gumeysataha ay mas,uul ka ahaayeen in sheekadani la daboolo.

Thomas Edison oo ah ninkii soo iqtiraacay “Nalka korontada” iyo sidoo kale “Kaamirada muuqaalka” ayaa waxaa uu yiri “Iqtiraac walbo oo aan Sameeyey kuma imaaan si iskiis ah, balse waxa uu ku yimid shaqo badan” tani waa sirta guusha galbeedka, waxaase hubaa in laga daba tagi karo, mana jiro farqi noo dhaxeeya annaga iyo galbeedka oo diidaya in aan sameyno wax cusub.

ugu dambeyntii aniga oo tixraacaya hadalka sheikh mustafa, waxaa aan hubaa in laga daba tagi karo gaalada, balse arinka kaliya ee loo baahan yahay ay tahay “isbadal” lagu sameeyo dhowr meelood oo bulshada ku qaldantahay, waxaana ugu muhiimsan labadan qodob:

-Aaaminka: waxaa loo baahanyahay in la badalo, aaminka bulshada ee ah wax ma sameyn kartiin, tusaale dunida oo dhan waxaa la aaminsanaa in aysan jirin cid dabaalan karta wax ka badan 500 oo meter, sidaasi darteed tartamada la qabanaayo oo dhan dunida, ayaa ku dhisnaa wax ka yar 500 meter ilaa laga arko qof dhaafay xadkii, waxaana markaasi wixii ka danbeeyey tartamayaashii oo dhan ay dabaasheen wax ka badan 500 meter.

Rusuulka SCW waxa uu ku leeyahay xadiithul qudsi {ilaah ayaa waxaa uu leeyahay “Aniga waxaan joogaa meeshii adoonkeyga iga maleysto”}.

Aminaanta waa muhiim waa kan Albert oo ahaa ninkii soo hindisay Nukliyeer-bombka waxa uu leeyahay “aaminaata ayaa kamuhiimsan Aqoonta”

-Dulqaadka
: bulshadeenii wax waliba waxa ay ku rabaan deg deg, laakin sunnada ilaah sidaasi ma ahan, waxaan hubaa in dad badan ay horumar noo keeni lahaayeen fikirkooda wanaagsan darteed, hadii aysan ku mar mar siyoonlaheyn oraahdan caanka noqotay ee ah “dulqaadkii ayaa iga dhamaaday”.

Waxaa jira xadiith Nabiga ScW laga wariyey oo macnihiisa ahaa “Ma jirto laba qofka u kulanta, oo ka wanaagsan aqoonta iyo dulqaadka.

Ugu dambeyntii waa muhiim in la helo dad dulqaad leh, dad sugi kara ubaxa inta uu ka soo baxayo,

qore: Cabdirxaman Sheikh

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...