Markii ugu horeysay, 7 sano ka dib dilkiisa, iyo 17 sano ka dib weerarkii 11 Sep,Hooyada dhashay Sheikh Osama bin Laden, Marwo Alia Ghanem, ayaa wareysi la yeelatay saxafi iyadoo ka shegeysay noolasha “Hogaamiyihii Hore ee Al-qaacida”, sidii uu ahaa carruurnimadiisa ilaa iyo markii ugu dambeysay ee ay la kulantay sanadkii 1999-kii.
Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda.
Alia ayaa u sheegtay Wariyaha Bariga Dhexe uga soo hadla wargeyska “The Guardian”, Martin Schulof, in Osama bin Laden, wiilkeeda ugu weyn, uu ahaa ilmo Xishood badan oo aad ugu fiican Waxbarashada.
Waxey Sheegtay in Wiilkeeda uu la kulmay Cabdalla Cazaam oo ah maskaxdii ka dambeysay shabakadda Jihaadiga ah ee Al-qaacidda, waxeyna tiri “Cabdalle Cazaam Ayaa u ahaa la taliye ruuxi ah”.
Dhamaan Xubnaha Qoyska Usama ee Wareysiga ka qeyb qaatay oo u ahaa Ka mid ahaa Walalkiisa ka yaraa ee Xasan, ayaa sheegeen in sanadkii 1999-kii, ay ku booqdeen Xero ku taal Qandahar waxeyna yiraahdeen “waa uu ku faraxsanaa in uu na soo dhaweeyo.”
Xasan ayaa sheegay in isaga iyo dowladda sacuudigaba ay ku faani jireen Usama, Dagaalkii Ruushka, laakiin markii dagaalka ku wareegay Mareykanka waxaa yimid “Usamaha Mujaahidka ah” waxuuna sii daba dhigay Xasan “waan ku faanayaa maxa yeelay wax uu ahaa walaalkey iga weyn, laakin kuma faanayo ragnimadiissa, waxa uu ka soo muuqday Masraxiyadda dunida, waxkastana uu sameeyey waxa ay noqdeen waxba kama jiraan !”