Sheykh Cali Dheere: Xasan Keena Ama Farmaajo Keena, Dagaalku Wuu Soconayaa (Kalimad Cusub) – DHAGEYSO.

-

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheykh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa kalimad cusub oo uu jeediyey kaga hadlay isbedaladii ugu dammbeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka horaantii bishan ka dhacay dalka ee uu xukunka DF-ka kula wareegay Max’med Cabdullaahi Farmaajo.

Kalimaddan oo ah tii ugu horreysay ee uu jeediyo Sheykh Cali Dheere tan iyo markii lagu dhawaaqay hogaanka cusub ee dowladda ayuu ku faahfaahiyey go’aanka rasmiga ah ee Xarakada Al-Shabaab ay ka qabto dowladda cusub.

Kalimadan oo la dhageysan karo muddo 27 daqiiqo ah ayuu Sh. Cali Dheere farriin kulul ugu diray hoggaanka cusub ee DF-ka, Wuxuuna u sheegay in shababku aysan kala kulmi doonin wax aanan ka ahayn wixii ay kala kulmeen hogaanadii iyaga ka horreeyey.

“Waxaan u sheegeynaa kooxda murtadiinta ah ee uu Farmaajo calanka u sida in aad mari doontaa wadadii ay mareen kuwii idinka horeeyey. Laba arin midkood ayaadna noqon doontaan Insha’Allaah. Mida koowaad oo ah in aad ku baxdaan gacanta Muslimiinta iyo mida labaad oo ah in ay gaaladu idinka badal qaadato idiinkoo duleysan sida kuwii idinka horeeyey oo kale. Mab da’a gaalada kama hirgelin doontaan dhulkan ay Muslimiintu ku nool yihiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sh.Cali dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale la hadlay dowladaha reer galbeedka ee gadaal ka taagan dowladdan somaaliya kuwaas oo uu u sheegay in dagaalka uu halkiisa ka sii socon doono, Islamarkaana aysan wax isbedal ah soo kordhin doonin magacyada iyo shaqsiyaat ay marba mid cusub keenayaa si danahooda uu u fuliyo.

“Ha ku sirmina dhagarta gaalada iyo gaala raacyada, waxay rabaan in ay Allaah idiinka fogeeyaan, Ibliisna idinku xiraan. Hadaad cizzi iyo sharaf rabtaan ku dhaga Islaamnimada, kana fogaada wax waliba oo Muslimnimadiina shaki gelinaya sida in aad ka qeyb qaadataan dhismaha nidaamyada Ridada ee cadowga u adeegaya xitaa haddii madax looga dhigo kuwa aad isku heyb iyo isku qabiilba tihiin sababtoo ah kuwa diinta ka baxay ee gaalada u adeegaya qaraabanimadii wuu ka baxay” ayuu markale yiri Sheekh Cali Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale yiri: “Ha ku kadsoomina hadalada beenta ah iyo beerjilicsiga ah ee Farmaajo iyo kooxdiisa. Waxba isma dhaamaan kuwa dabadhilifyada ah maxaa yeelay danta gaaladu waa hal mid muhiim-na ma ahan in shaqaaluhu Farmaajo noqdo ama Xasan noqdo. Danta gaaladuna waa dhibaateynta Muslimiinta. Gaalada waan saarayaa uu idinku beerlaxowsanayo soo ma ahan kuwii dharaar cad isagoo Ra’isul Wazaare sheeganaayo dalka ka saaray?! Maxaa u soo kordhay marka? Soo iyaga ma ahan kuwa uu leeyahay waa walaalaheen ha inoo joogaan” .

Afhayeenka ayaa sidoo kale baaq ujeediyey waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ay ku jiraan safka cadowga Wuxuuna yiri: “Dardaaranka Saddexaad waxaa kula dardaarmeynaa Waalidiinta ay ilmahooda ku biireen safka cadowga in ay ilmahooda kula dadaalaan sidey uga badbaadin lahaayeen khasaara aduunyo iyo mid Aakhiro kana soo saaraan safka cadowga inta aysan la kulmin waxii ay la kulmeen kuwoo badan oo safka cadowga horay ugu biiray, mana u maleynayo inuu jiro waalid jacel in ilmihiisu gaala ku garab dhintaan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale yiri: “Mujaahidiintuna waxaan kula dardaarmeynaa in ay wanaajiyaan ciddii Allaah u towbadkeenta oo ka mid ah kuwa murtadiinta ah, ayna baraan wixii uu Allaah baray oo xikmo iyo Iimaan ah, Laakiin ciddii ku madax adeegta waxa ay ku jiraan ee gaalnimada iyo baadinimada ah waxaa inoo dhexeeya seyf iyo waran illaa Alle uu naga kala xukminaayo”.
codka cali dheere halkan ka dhageyso

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...