Shiikh Caan ah Oo Yiri “Dumar Badan Oo La Guursada Waa Xaqdarro”

-

Dr Axmed oo ka tirsan jaamacadda Al-azhar ayaa sheegay in Arimaha U baahan in wax laga badalo Islaamka dhaxdiisa ay ka mid tahay guur badsiga.

Xaqiiqonews-

Shiikha oo la hadlaayey barnaamij todobaadle ah oo ka baxa mid ka mid ah Tv-yada dalka Masary ayaa ka hadlay arinta guurka badisga dumarka isagoo ku tilmaamay garddaro iyo dulmi lagula kacayo dumarka iyo caruurta.

Shiikha ayaa yiri “waxa aan si khalad ah u fahanay Qu,aanka iyo Sunada Rasuulka Sc, maxaa yeelay dadka inta badan kaliya waxa ay aqriyeen qeybta aayadda micnaheedu tahay “U guursada, laba laba, seddex seddex iyo afafar, balse waxaa la iska illowsanyahay qeybta kale ee aayadda”.

Sheikha ayaa is weydiiyey “Ninka muslim ah si dhab ah miyuu xor ugu yahay in uu guursada labo,seddex ama afar naag, mise xornimadiisa waxa ay ku xiran tahay shuruud”

Shiikha ayaa Sheegay in xornimada ninka ee guur badsiga ay tahay mid ku xiran sharuud, waxa uuna tusaale u soo qaatay xornimada qofka uu u leeyahay in uu salaadda gaabiyo, taasi oo ku xiran shuruud ah qofka in uu yahay musaafir, si taasi la mid guurka badan waxaa ku xiran shuruud ah ninka in uu  sameyn karo “Cadaalad”.

Waxaan shaki ku jirin in hadalada noocan ay soo dhaweyn kala kulmi doonaan, Ururada Haweenka iyo Dadka u dooda xorriyadda

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...