Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

-

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa’iil ay adeegsato jinniga si ay u basaasto Iiraan, Xamaas iyo Xisbullaahi.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Dad isticmaala baraha bulshada ayaa dib u soo celiyey muuqaal hore oo wadaad diimeed kacaanka Iiraan ka tirsan uu kaga sheegeynaayo jinka.

Sh Rusheeyaha Iiiraan ninka lagu magacaabi Buurfar waxaa badanaa lagu marti qaada telefishinada ay leedahay dowladda Iiraan isaga oo badanaa loo wareysto in uu yahay sida khabiir ku takhasusay jinniga.

Buurfar oo bixinaayey wareysiga waxa uu yiri “Yahuudda khibrada ayey u leeyihiin sixirka iyo xiriirka jinka”.

Sida uu sheegay meelaha ay Israa’iil jinniga u adeegsatay waxaa ka mid ah: basaasidda Iiraan, Xamaas iyo Xisbullaahi balse ma uusan bixinin faafaahin dheeri ah oo ku saabsan macluumaadka la basaasay iyo qaabka loo basaasy.

Muuqaalkani dib loo soo celiyey ayaa ku soo aadaya waqti gudaha Iiraan ay jirto kacsanaan shacbga ah iyaga oo dalbanaya in wax laga qabto xaaladda noolasha dalkaasi oo meel xun mareysa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...