Shiikh Sudeys Oo Gogol Dhig U Sameeyey Caadiyeynta Israa’iil

Imaaraatka ayaa hogaaminaya olole wata magaca “caadiyeynta xiriirka Israa’iil” kaasi oo qaar ka mid ah dowladaha gacanka Carabta ay ku aqoonsanayaan Israa’iil, islamarkaana ay xiriir la sameysanayaan.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Khudbad jeediyaha Xaramka, Al-sudeysi ayaa jimcadii la soo dhaafay jeediyey hadal caro badan abuuray.

Sudeysi oo khudbad ka jeediyey Xaramka oo wali aan salaad laga tukan, ayaa yiri “Waa in aan kala fahamnaa mas’aladda diineed ee Walaa wal baraa, xiriirka shaqsiga ah iyo xiriirada dowladda” isagoo intaasi ka dib soo daliishaday qaabkii uu Nabi maxmed Scw ula dhaqmi jiray Yahuudda.

Sudeysi ayaa sheegay in “canbuur bireedkii Nabiga nin yahuudi ah uu u heystay rahan, iyo in Nabiga uu beeraha la wadaagay yahuudii Kheybar.

Sidoo Kale Aqri..Shiikh Caan Ah Oo Weerar Ku Qaaday Sheekh Sudeys..Sababta waa tan

Dadka baraha bulshada waxa ku qora ayaa Sudeysi dhaleeceeyey, waxa ayna sheegeen in uu iloobay burburinta Nabiga uu burburiyey guryihii yahuudda iyo sidii uu nabiga kaga eryey Yahuudda magaalada madiina khiyaanadooda darteed.

Sudeysi ayaa hadda ka hor jeediyey hadal muran badan dhaliyey markii boqorka Sacuudiga iyo Madaxweynaha Mareykanka uu ku tilmaamay kuwa dunida u hogaaminaya dhanka wanaagsan, isaga oo u duceeyey, xilli uu ka qeyb galaayey shir ururka raabitada caalamka islaamka ugu socday Newyork Mareykanka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA